Cambaareyn ka dhalatay maxkamad nin dil ku xukuntay qaab maqal iyo muuqaal ah

0
Thursday May 07, 2020 - 09:52:49 in by salman abdi
  • Visits: 394
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cambaareyn ka dhalatay maxkamad nin dil ku xukuntay qaab maqal iyo muuqaal ah

    Cambaareyn ka dhalatay maxkamad nin dil ku xukuntay qaab maqal iyo muuqaal ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cambaareyn ka dhalatay maxkamad nin dil ku xukuntay qaab maqal iyo muuqaal ah

Hay'adda xaquuqul insaanka ee Human Rights Watch ayaa naxariis darro bani'aadanimada ka baxsan ku tilmaantay xukun dil ah oo lagu xukumay nin darawal ah oo u dhashay dalka Nigeria.

Olalekan Xamiid oo loo haystay in uu dilay hooyada nin uu u shaqeynayay ayuu garsoore maxkamadeed oo adeegsanaya aaladda maqalka iyo muuqaalka ah ee Zoom waxa uu ku xukumay dil.

Sababo la xiriira cudurka Coronavirus ayaa keenay in dhageysiga dacwaddaasi loo adeegsaday aaladdani maqal iyo muuqaal ahi.

Dhageysiga dacwaddaasi ayaa qaadatay ku dhawaad saddex saacadood, waxaana khadka las oo geliyay garsooraha, eedeysanahaya iyo garyaqaanno uu ka mid yahay xeer ilaaliyaha guud ee dalkaasi.

Xukunkan ayaa ku soo beegmay maalintii ugu horreysay ee la khafiifiyay xayiraadihii ka dhashay cudurkan ee lagu soo rogay magaalada Lagos.

Shacabka ayaa loo ogolaaday in ay shaqooyinkooga ku laabtaan balse waxaa la hakiyay in maxkamaduhu ay dib u furmaan oo ay kiisaska dhageystaan.

Garsooraha maxkamadda ee xukunkaasi riday ayaa ku sugnaa gudaha dhismaha maxkamadda sare ee Ikeja ee magaalda Lagos, halka Xamiid uu ku jiray xabsiga weyn ee Kirikiri, iyadoo garyaqaanaduna ay meelo kala duwan khadka ka soo galeen.

Xamiid waxaa loo haystay in bishii Diseembar ee sanadkii 2018 uu dilay Jolasun Okunsanya oo 76 sano jir ahayd.

Maxkamaddu waxay xamiid ku xukuntay daldalaad balse ilaa haatan ma cadda in uu racfaan ka qaadan doono iyo in kale.

Sharciga dalkaasi ayaa dhigaya in dilka noocaasi ah la fulin karayo oo kaliya marka uu ansixiyo barasaabka gobolka uu xukunkaasi ka dhacay.

Xukunka dilka ah ayaan inta badan la fulin dalkaasi Nigeria balse maxkamaduhu waxay wali dadku ku xukumayaan dil.

Human Rights Watch oo walaac ka muujisay xukunka Xamiid ayaa BBC-da u sheegtay in adeegsiga maxkamaddani ay adeegsatay aaladdani maqal iyo muuqaalka ahi si ay dacwaddaasi u dhageysato ay qayb ka tahay fududeynta sidii dadku garsoor u heli lahaa balse waxay sheegtay in qof lagu xukumo dil ay tahay caddaaladdii oo waddo khaldan la mariyay.

Dhanka kale, hay'adda xaquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa sheegeysa in qiyaastii in kabadan 2,000 oo qof ay dalkaasi ku xukuman yihiin dil balse markii u dambeysay oo xukun dil ah la fuliyo ay ahayd sanadkii 2016.