Prof. Samater Oo Is-barbar Dhigay Labadii jimce ee isku xigey ee Xamarna Weerarka lagu qaaday Madaxtooyada Muqdisho Hargeysana Madaxweyne siilanyo Masajidka ugu dadka badan kula tukaday dadkiisa Iyo weliba Dhex Lugeyntii Suuqyada Hargeysa ugu mashquulka badan

0
Saturday March 08, 2014 - 09:21:22 in by Super Admin
  • Visits: 964
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Prof. Samater Oo Is-barbar Dhigay Labadii jimce ee isku xigey ee Xamarna Weerarka lagu qaaday Madaxtooyada Muqdisho Hargeysana Madaxweyne siilanyo Masajidka ugu dadka badan kula tukaday dadkiisa Iyo weliba Dhex Lugeyntii Suuqyada Hargeysa ugu mashquulka badan

    Prof. Axmed Ismaaciil Samater, oo ka mid ah aqoonyahanka xeesha dheer, ayaa hadal saacad iyo badh qaatay ku qiiro galiyey Jaaliyadda reer Somaliland ee Gobolka Ohio ee dalka Maraykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Prof. Axmed Ismaaciil Samater, oo ka mid ah aqoonyahanka xeesha dheer, ayaa hadal saacad iyo badh qaatay ku qiiro galiyey Jaaliyadda reer Somaliland ee Gobolka Ohio ee dalka Maraykanka

Prof. Samater Oo Is-barbar Dhigay Labadii jimce ee isku xigey ee Xamarna Weerarka lagu qaaday Madaxtooyada Muqdisho Hargeysana Madaxweyne siilanyo Masajidka ugu dadka badan kula tukaday dadkiisa Iyo weliba Dhex Lugeyntii Suuqyada Hargeysa ugu mashquulka badan


Prof. Axmed Ismaaciil Samater, oo ka mid ah aqoonyahanka xeesha dheer, ayaa hadal saacad iyo badh qaatay ku qiiro galiyey Jaaliyadda reer Somaliland ee Gobolka Ohio ee dalka Maraykanka, waxaanu is-barbar dhig ku soo sameeyay nabadgalyada dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.

Prof. Axmed Ismaaciil Samater, oo sanadkii hore ka tanaasulay mabda’a Soomaali-weyn oo uu muddo soddon sanadood ah aaminsanaa, ayaa si gaar ah uga hadlay salaaddii Jimcihii hore uu Madaxwaynaha Somaliland la tukaday shacabka Magaalada Hargeysa iyo kormeerkii uu ku sameeyay suuqyada caasimadda, waxaana dadwaynihii dhageysanayey qaarkood ilmeeyeen markii uu sharaxayey in dadwaynuhu ku soo yaacay markii uu Madaxwaynuhu suuqa dhex galay, isaga oo aan wax ciidan ah sidan, dadkaasi oo aan doonayn inay dhibaato gaadhsiiyaan, balse ay u xiiso qabaan inay jidhkiisa taabtaan Madaxwaynaha.

Prof. Samater, waxa uu sheegay in shacabka Somaliland ay samaysteen nabadgalyo qaramaysan (Civic Peace), taasina tahay ta suurto-galisay in Madaxwaynuhu shacabkiisa dhex lugeeyo.

Prof. Axmed Ismaaciil Samater, oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi "Waxaan soo arkay oo reer Somaliland samaysteen nabadgalyo Qaramaysan (Civic Peace), waxaana ugu dambaysay oo markhaati ka ah nabadgalyadaasi Qaramaysan, Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo oo tagay Masaajidka Hargeysa ugu weyn oo salaad ku soo tukaday, markii salaaddii tukadayna dadkiisa dhex galay, oo lagu soo yaacayo”

Prof. Samater, oo sii iftiiminaya sababta dadku ay Madaxwaynaha ugu yaaceen markii ay suuqa ku dhex arkeen ayaa yidhi "Ma doonayaan (Dadku) inay Dilaan (Madaxwaynaha), laakiin waxay doonayeen Dadku Inay Taabtaan Madaxwaynahooda, halka Xasan Sheekh-na (Madaxwaynaha Soomaaliya) loogu tagay Sariirtiisa..”

Axmed Ismaaciil Samater, waxa uu ka hadlay oo nabadgalyada Muqdisho "Muqdisho markaan joogay kharashka ugu badan wuxuu ahaa amniga (Gaadhkayga), Hargeysa-na saqda dhexe ayaad budh qaadanaysaa oo aad lugaynaysaa..”









Contact@afkashacabka.com