Shan ruux oo ku geeriyootay guri ku dumay magaalada Muqdisho

0
Monday May 11, 2020 - 14:16:05 in by salman abdi
  • Visits: 600
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shan ruux oo ku geeriyootay guri ku dumay magaalada Muqdisho

    Shan ruux oo ku geeriyootay guri ku dumay magaalada Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shan ruux oo ku geeriyootay guri ku dumay magaalada Muqdisho
Shan ruux oo isku qoys ah oo afar kamid ah ay carruur yihiin ayaa ku dhintay guri ay ka deganaayeen xaafadda Buula-xubeey ee magaalada Muqdisho, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka deegaanka Ceel-qalow oo uu guriga ku yaallay,

 

"Waxa dhacay waa arrin xanuun badan, gurigu wuxuu ahaa mid qadiimi ah, roobkii xoogganaa ee xalay ka da’ay Muqdisho ayaana sabab u ahaa inuu gurigaasi dumo” sidaasi waxaa Idaacad Maxalli ah u sheegay haweeney daris la aheyd qoyska uu xalay ku dumay guriga.

Faafaahinta ay Hiiraan Online ka heleyso xubnaha qoyskaas ku dhintay burburka guriga ayaa waxay sheegayaan in ay ahaayeen Afar carruur ah iyo ayeeyadood.

Dhinaca kale roob mahiigaan ah oo xalay ka da’ay Muqdisho ayaa saameeyay boqollaal qoys oo barakacayaal ah kuwaas oo kunool Aqallo aan awood badan laheyn oo ka sameysan Ulo, baco iyo kaakado la isku geegeeyay.

Waxayna qaarkood ka codsadeen dowladda dhexe , Maamulka Gobolka Banaadir iyo bulshada Muqdisho in ay garab siiyaan , si looga samata-bixiyo xaaladdan adag oo ay wajahayaan.