War Deg Deg Ah Dhul Gariir Badiba Laga Maqalayay Qaybaha magaalada Oo Ku Dhuftay Magaalada boorame+khasaraha Ka Dhashay.
War Deg Deg Ah Dhul Gariir Badiba Laga Maqalayay Qaybaha magaalada Oo Ku Dhuftay Magaalada boorame+khasaraha Ka Dhashay.
Abaaro 6:30 subaxnimo ee saaka dhul gariir aan wax khasaara oo ilaa hadda lasheegay geysan ayaa ka dhacay magaaladda Borama ee Gobolka Awdal .
Dhulgariirkan oo xadiga wakhtiga uu socday lagu qiyaasay 5 ilaa 8 ilbidhiqsi ayaa labadii sano ilaa sadexdii sanaba hal mar ka dhaca magaaladaasi , taasoo sababtay in dadka magaaladaasi ku dhaqan ay la qabsadaan kuna keenin wax casbi ah oo buuran .
Magaalada Boorama iyo guud ahaan gobolkaasi oo inta badan roobabku siweyn u maasheeyaan kuna caana barwaaqo iyo rays ayaa hadana dadka magaaladu kuu sheegayaan in marka uu dhul gariirkaasi dhaco kadibna ay dareemaan roobab joogto ah oo magaalada ka da'a.
Magaaladan oo ay ku hareeraysan yihiin Buuro waa weyn oo qaarkood siweyn loogu hal qabsaday suugaanta Somalida ayaan ilaa hadda lagu sameyn cilmi baadhis balaadhan oo lagu baadhayo dhul gariirkaasi iyo inuu la xidhiidho Buurahan magaalada ku hareeraysan .
Faysal Maxamed Adam Fifa