Madaxweyne Siilaanyo Oo La Filayo In Toddobaadkan Gudihiisa Uu Xadhiga Ka Jaro Mashaariic Laga Hirgaliyey Gobolka Awdal.

0
Saturday March 08, 2014 - 10:26:43 in by Super Admin
  • Visits: 1076
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilaanyo Oo La Filayo In Toddobaadkan Gudihiisa Uu Xadhiga Ka Jaro Mashaariic Laga Hirgaliyey Gobolka Awdal.

    Madaxweyne Siilaanyo Oo La Filayo In Toddobaadkan Gudihiisa Uu Xadhiga Ka Jaro Mashaariic Laga Hirgaliyey Gobolka Awdal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Siilaanyo Oo La Filayo In Toddobaadkan Gudihiisa Uu Xadhiga Ka Jaro Mashaariic Laga Hirgaliyey Gobolka Awdal.

Madaxweyne Siilaanyo Oo La Filayo In Toddobaadkan Gudihiisa Uu Xadhiga Ka Jaro Mashaariic Laga Hirgaliyey Gobolka Awdal.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ayaa La Filayaa In Uu Toddobaadkan Gudihiisa Ka Soo Furo Gobolka Awdal Mashruucii Ugu Wanaagsanaa Ee Gobolkaasi Soo Mara Tan Iyo Intii Somaliland Dib Loo Yagleelay Kaasoo Ah Jidka Isku Xidha Dilla Iyo Borama Oo Si Rasmi Ah Toddobaadkan U Dhamaytirmay.

Sidoo, Kale Madaxweyne Siilaanyo Waxa Uu Soo Dhagax Dhigi Doonaa Laba Jid Oo Kale Oo Midi Yahay Kalabaydh Illaa Dilla Oo Goo’go’an Kaasoo Qandaraas Lagu Siiyey Shirkadda China Horn Group Ee Jidka Rooga Ah Dhigtay Madaarka Hargeysa Iyo Jidka U Dhaxeeya Berbera Iyo Hargeysa Iyo Jid Dhererkiisu Yahay 50km Oo Isku Xidhi Doona Boorama Illaa Boon, Kaasoo Kharash Badan Ku Kici Doona.

Jidadka Gobolka Awdal Ayaa Ah Mashruuca Loogu Jacayl Badan Yahay Ee Ay Reer Awdal Ku Mutaysteen In Ay Noqdaan Gobolka Ugu Muxaafadsan Goboladda Somaliland, Kaasoo Tan Iyo Intii Loo Bilaabay Dhismaha Jidadka Aan Lagu Arag Qof Mucaarad Ah, Isla Markaan Qof Kasta Oo Reer Awdal Ahi Uu Ku Farxo Jidadka Ay Xukuumadan Iyo Iyagu Sida Wadajirka Ah U Dhiseen Kuwaas Oo Magaalo Madaxda Gobolka Ee Borama Ka Dhigay Magaalo Camiran.

Jidka Boorama Ayay Madaxda Xukuumadda Talada Haysa Ee Kulmiye Shan Jeer Oo Hore Fureen, Waxaanay Markasta Oo Ay Furan Qaybta Ay Dhisaan Dhagax Dhigayeen Qaybta Ku Xigta, Taasaoo Suurtogalisay In Uu Dhamaystirmo Jidkaasi Oo Ahaa Ka Ugu Xun Ee Reer Borama Hor Iman Jiray Marka Ay Eegaan Duruufaha Haystay.

 

Magaalo Madaxda Gobolkaasi Ee Borama Ayaa Iyana Ka Baxday Duruuftii Jidad La’aaneed Ee Dib U Dhigay, Waxaanad Arkaysaa Inaanad Laamiba Ka Dagayn Marka Aad Ku Soo Socoto Iyo Marka Aad Magaaladda Gashaba.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo Ayay Ahayd In Uu Furro Mashaariic Kale Oo Dawladda Hoose Ee Borama Hirgalisay Balse Waxa La Filayaa In Ay Dib U Dhigaan Khilaafka Maamul Ee U Dhaxeeya Golaha Deegaanka Borama Kaasoo Maraya Halkii Ugu Darnayd.