Hogaamiye Xirsi Oo Muddo Dheer Ka Dib Bulshada Reer Soomaaliland La Hadlay

0
Monday May 18, 2020 - 08:44:06 in by salman abdi
  • Visits: 480
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiye Xirsi Oo Muddo Dheer Ka Dib Bulshada Reer Soomaaliland La Hadlay

    Hogaamiye Xirsi Oo Muddo Dheer Ka Dib Bulshada Reer Soomaaliland La Hadlay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaamiye Xirsi Oo Muddo Dheer Ka Dib Bulshada Reer Soomaaliland La Hadlay

Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee waddani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay bulshaa ugu dambeysay wakhti dheer ayaa habeenkan caawa ah bartiisa facebook uu ku leeyahay soo dhigay war qoraal ah oo uu kaga hadlay maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May, qoraalkan ayaa iskugu jiray hambalyo duco iyo waliba sidoo kale xanuunka coronavirus ee dunida dhalan rogay, waxaana uu u duceeyay intii reer Somaliland iyo muslimiin ah eek u nafweyday xanuunkan waxaana uu yidhi :-

 

 

 

 










18 May Somaliland 2020
Munaasabadda 18 May awgeed waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhamaan dadka Somaliland meel kasta oo ay joogaan, waxaan si gaar ah ugu hambalyaynayaa ciidamada kala duwan ee qaranka iyo cid kasta oo ku hawlan horumarinta qaranimada Somaliland waxaanan leeyahay guulaysta.

Alle hayna gaadhsiiyo himilada umaddeena hana inaga dhawro wax walba oo dib u dhac ah.

Waxaaan ilaahay uga baryayaa inta uu halakeeyey xanuunka safmarka ah ee Islama inuu ka dul qaado inta u dhimatayna u naxariisto naxariis waasac ah.
Waxaan shacabka Somaliland kula dardaarmayaa inay qaataan Talooyinka at bixinayaan Dhakhaatiirtu.