Ganacsatada Qaadka Kenya oo sheegay gobolka Meru inuu galay Dhaqaalo xun Intii La joojiyay Qaadkii Inam Jiray Soomaaliya

0
Tuesday May 19, 2020 - 11:26:43 in by salman abdi
  • Visits: 380
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsatada Qaadka Kenya oo sheegay gobolka Meru inuu galay Dhaqaalo xun Intii La joojiyay Qaadkii Inam Jiray Soomaaliya

    Ganacsatada Qaadka Kenya oo sheegay gobolka Meru inuu galay Dhaqaalo xun Intii La joojiyay Qaadkii Inam Jiray Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ganacsatada Qaadka Kenya oo sheegay gobolka Meru inuu galay Dhaqaalo xun Intii La joojiyay Qaadkii Inam Jiray Soomaaliya Ganacsatada Qaadka iyo Beeraleyda Mira ee dalka Kenya ayaa waxay dhigeen mudaaharaad ay kagasoo horjeedaan xayiraada saaran Qaadka Soomaaliya loo dhoofin jiray oo ku dhawaad muddo saddex bilood xayiran.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa u xayirtay soo dejinta Qaadka dalka gudihiisa iyadoo laga hortagayo faafitaanka cudurka safmarka ah ee coronavirus.

Balse, Qaadka ayaa magaalada Muqdisho iyo meelo katirsan gobolada koonfurta Soomaaliya ku taga hab qarsoodi ah, iyada oo la adeegsanayo in lagusoo Qaado Doomo kasoo shiraacda xeebaha gobolka Lamu ee Kenya.

Isbahaysiga ganacsatada daroogada, beeralleyda, ururada ganacsatada iyo kooxaha diimaha ee Kenya waxay u ololeynayaan inay ku guuleystaan dhoofinta alaabada ay ka mid yihiin Qaadka, iyagoo dowladda Soomaaliya ugu yeeray inay xayiraada ka qaado qaadka.

Ganacsatada oo fariin u diray dowladooda ayaan rumeysan Qaadka la'aantiisa (Meru) in magaaladoodu ku noolaan doonto faqri aad u xun.

Waxay sidoo kale walaac hor leh ka muujiyeen xayiraada saaaran xaafadda Islii ee Soomaalidu ku badan tahay, kadib markii lagusoo rogay bandow xoogan, taasoo keentay inuu istaago ganacsigii Qaadka ee xaafaddaas.

Dowladda Kenya ayaa maalin walba dhaqaale xoogan ka heli jirtay Qaadka ay u dhoofiso Soomaaliya. Waxaana joojintaan ay sababtay inay hoos udhacdo nolasha qoysas badan oo ku tiirsanaa ka ganacsiga Qaadka.