
Siyaasi ku soo hungoobay somalia Oo Hargeysa Ku soo noqday Iyo Xukuumadda Oo Sheegtay In Caqligii Ku Soo Noqday
Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horeysay ka hadashay siyaasiyiin uu ka mid yahay Yuusuf Maxamed Kaahin (Yuusuf Gaydh), kaasi oo aaminsanaa mabda'a Soomaali-weyn,
Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horeysay ka hadashay siyaasiyiin uu ka mid yahay Yuusuf Maxamed Kaahin (Yuusuf Gaydh), kaasi oo aaminsanaa mabda’a Soomaali-weyn, isla-markaana muddo olole ugu jiray inuu noqdo Raysal-wasaare ku xigeenka dawladda Federaalka Soomaaliya, balse markii uu ku hongoobay dib ugu soo laabtay Hargeysa.
Siyaasiyiinta kale ee aaminsanaa Mabda’a Soomaali-weyn isla-markaana ka soo laabtay dalalka Qurbaha ee xukuumaddu ka hadashay ayaa waxa ka mid ah Xasan Cabdi Qase, kaasi oo isaguna muddo dheer la haystay Muqdisho, laakiin hadda ka tanaasulay maba’aasi ee dib ugu soo laabtay dalka, waxaana Agaasimaha guud ee Wasaaradda xanaanada xoolaha Somaliland, Dr. Maxamuud Axmed Maxamed (Cagaweyne), uu sheegay inay siyaasiyiintaasi soo noqdeen oo ay hadda dadkooda wax la qabsanayaan.
Agaasimaha guud ee xanaanada xoolaha iyo Masuliyiin ay ka mid yihiin Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyarada oo ay wehelinayeen siyaasiyiintaasi, ayaa waxa shalay kormeer ku soo mareen deegaanka Maygaagaha oo dhanka Koonfureed kaga beegan Magaalada Hargeysa, ayaa waxa halkaasi hadallo ka jeediyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xanaanada xoolaha Somaliland, Dr. Cagaweyne, waxaanu sheegay in kormeerka lagu ogaanayo baahiyaha deegaankaasi yaala aanu suurto-galeen siyaasiyiinta Soomaaliya ka soo noqday la’aantood, haddii ay soo noqdeenna baahiyaha deegaanka la gaadhsiinayo xukuumadda.
Dr. Cagaweyne oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi "Hawshani inoomay suurto-gasheen (Kormeerkooda Maygaagaha) Xasan Cabdi Qase iyo Yuusuf Gaydh La’aantood, waayo raggii deegaanka Maygaagaha u dhashay ayaa maqnaa”
Agaasimaha guud, waxa kale oo uu sheegay "Maanta way soo barkhadoobeen Yuusuf Gaydh, Xasan Cabdi Qase, waxayna u jeedeen meel kale oo ay ku faruur xidhnaayeen” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray "Laakiin maanta ayay inoo soo barkhadoobeen, oo caqligiibaa inoo soo noqday..” ayuu yidhi, Agaasimaha guud ee wasaaradda xanaanada xoolaha Somaliland, sida xalay lagu baahiyey Mareegta wararka ee Togaherer.com.
Dhanka kale, warar hoose oo Somalilandtoday heshay ayaa sheegaya in xukuumadda Soomaaliya mar sii horeysay doonaysay inay Yuusuf Gaydh u Magacowdo Raysal-wasaare ku xigeenka Soomaaliya, balse taasi oo aan hirgalin awgeed ayuu dalka dib ugu soo laabtay.
Yuusuf Gaydh oo ka tirsanaan jiray baarlamaankii xukuumaddii Imbagaati ee Soomaaliya ayaa sanadkii 2007 ku biiray koox la baxday Baarlamanka Xorta ah kuwaas oo ka dagay caasimada Eriteria ee Asmara halkaas oo ay ku aasaaseen Isbahaysiga dib u Xoraynta Somalia ee ka soo horjeeday xukuumadii Cabdilaahi Yuusuf Madaxweynaha ka ahaa iyo joogitaankii Ciidamada Ethiopia ee gudaha Somalia.
Afkashacabka.com
Hargeysa /Office
Contact@afkashacabka.com
Siyaasi ku soo hungoobay somalia Oo Hargeysa Ku soo noqday Iyo Xukuumadda Oo Sheegtay In Caqligii Ku Soo Noqday
Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horeysay ka hadashay siyaasiyiin uu ka mid yahay Yuusuf Maxamed Kaahin (Yuusuf Gaydh), kaasi oo aaminsanaa mabda'a Soomaali-weyn,