War Deg Deg Ah:-Dhimshada Iyo Tirada Laga Helay Xanuunka Dilaaga Ah COVID19 Ee Somaliland Oo Iminka Dawladdu Shaacisay

0
Tuesday May 26, 2020 - 11:01:11 in by salman abdi
  • Visits: 346
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Dhimshada Iyo Tirada Laga Helay Xanuunka Dilaaga Ah COVID19 Ee Somaliland Oo Iminka Dawladdu Shaacisay

    War Deg Deg Ah:-Dhimshada Iyo Tirada Laga Helay Xanuunka Dilaaga Ah COVID19 Ee Somaliland Oo Iminka Dawladdu Shaacisay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Dhimshada Iyo Tirada Laga Helay Xanuunka Dilaaga Ah COVID19 Ee Somaliland Oo Iminka Dawladdu Shaacisay

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka jamhuuriyadda somaliland Md Dr Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa iminka shaaciyey tirade laga helay cudurka dilaaga ah ee coronavirus dalka Somaliland iyo intii u dhimatay 24 kii saacadood ee la soo dhaafay.

 

Laba qof oo cusub ayaa cudurka COVID-19 ugu geeriyooday Somaliland taas oo tirada dhimashada ka dhigaysa 17 qof, Waxaana magaalooyiinka waa weyn ee Hargeysa iyo Boorama ay ku kala dhinteen labada marxuum ee xanuunkaasi galaaftay noloshoodii, sidoo kale 14 qof oo cusub oo kale ayaa laga helay cudurkan dunida kala xidhay ee covid19.

 

Shacabka iyo dawladda Somaliland ayaan wali ku baraarugsaneyn xanuunkan halaagay umadaha caalamka ee galaaftay kumanaan kun oo qof muddo 3 bilood gudahood, dalalka Ecuador ay ka mid tahay ayaa la kala aasi kari waayey dadkii u dhintay cudurkan, bulshada Somaliland iyo madaxdooda ayaa weli sidii caadiga ahayd u wata noloshoodii iyo shaqadoodii marka laga reebo ardeydii iyo iskuuladii oo la fasaxay, dadka iyagu indhaha sida toos ka ah ugu haya xanuunkan ee Somaliland gudaheeda ku sugan ayaa sheegaya in xanuunkii ku badan yahay dalka islamarkaana aanay ka warqabin dadka iyo dawladduba,  geesta kalena dhawaan ayay ahayd markii lacago badan loo dhiibay guddida madaxweyne biixi u magaacabay covid19ka  balse ilaa iyo hadda lacagahaas ayaan muuqaan meesha la mariyey iyo waxa lagu qabtay halka dadka Somalilandna ay u dhimanayaan oxygen la’aan