Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa oo ka heshiiyay khilaafkii ka dhaxeeyay

0
Wednesday June 03, 2020 - 10:10:30 in by salman abdi
  • Visits: 430
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa oo ka heshiiyay khilaafkii ka dhaxeeyay

    Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa oo ka heshiiyay khilaafkii ka dhaxeeyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa oo ka heshiiyay khilaafkii ka dhaxeeyay Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in lasoo afjaray khilaafkii u dhexeeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Madaxweyne ku-xigeenkiis, Axmed Karaash.


Dhameynta khilaafkaan ayaa yimid kadib markii qaar kamid ah Isimada Puntland ay dadaal xoogan ku bixiyeen in labada masuul khilaafkooda lagu dhameeyo wada hadal iyo isu tanaasul, si khilaafku uusan u gaarin meel fog.

Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa ballanqaaday inaanu mar dambe soo laabandoonin khilaaf midkaan lamid ah ismaandhaafkii dhacayna aan wax lagasoo qaadin lagana shaqeeyo amniga iyo horumarka Puntland.

Masuuliyiinta Puntland iyo guddiga dhexdhexaadinta ayaa kulanka kadib kasoo muuqday sawir wadareed bixinayay tilmaam ku saabsan heshiiska laga gaaray khilaafka.