Janaraalka loo taag-waayay oo ay haatan xaaladda ku cakiran-tahay

0
Sunday June 07, 2020 - 10:16:55 in by salman abdi
  • Visits: 462
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Janaraalka loo taag-waayay oo ay haatan xaaladda ku cakiran-tahay

    Janaraalka loo taag-waayay oo ay haatan xaaladda ku cakiran-tahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Janaraalka loo taag-waayay oo ay haatan xaaladda ku cakiran-tahay

Xoogagga dowladda liibiya ee ay Qaramada Midoobay taabacsan tahahay ayaa sheegay iney qabsadeen magaala xeebeedka Sirte ee ay acanta ku hayeen maleeshiyada taabacsan Janaraal Khaliifa Xaftar.

Balse Ciidamadiisa ayaa sheegay iney dib u riixeen kuwa ka soo horjeeda. Inkastoo uu janaraal Xaftar taageero ka helo Masar, Ruushka iyo Imaaraadka Carabta ayaa hadana maalmihii dambe waxa ay ciidamada janaraalka la kulmayeen guul-darrooyin isdaba jog ah.

Ciidamnada dowladda Libya ee uu caalamka aqoonsanyahay iyo milatariga Turkiga ayaa galbeedka Libya ka saaray xoogagga janaraalka awoddiisa sii wiiqmeyso.

Mar sii horreeysay dalalka baritaara khalifa Xaftar ayaa ku baaqay xabad joojin, iyo in la bilaabo wadaxaajood lagu xallinayo xaaladda ka aloosan Liibiya.

Waxaa horay fashil ugu dhaamaaday wada-hadallo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafka u dhaxeeya Dowladda liibiya iyo janaraalka loo taag-waayay ee Khaliifa Xaftar.

Baratamihii sannadkii hore ayaa waxaa aad u xogeystay awoodda khalifa Xaftar isagoo gulufyo xooggan ku qaadayay xarunta dowladda ee Tripoli iyo guud ahaan koonfurta Liibiya.

Dagaalladaasi waxaa ka dhashay khasaare xooggan oo waxaa xitaa la xiray eelaboorka magaalada kaddib markii gantaallo awood badan lagu garaacay magaalada. Xitaa maleeshiyada taabacsan xaftar waxaa u suurogashay iney dhwor kilomitir gudaha u galaan magaalada xarunta u ah dowladda uu caalamka aqoonsan yahay.

Haatanse waxaa la sheegaya in Xaftar ay xaaladda ku cakiran tahay iyadoona boqolaal ka tirsan calooshood u shaqeysatayaasha Ruushka ah ee ka garab dagaallamayay ciidamadiisa ay isaga baxeen aagga dagaalka ee koonfurta Tripoli, sida ay wakaaladda wararka ee AFP ka soo xigatay xooggaga dowladda ay Qaramada Midoobay taageersan tahay.

.
Image captionCiidammada Haftar

Waa kuma Xaftar?

Janaraal Khaliifa Xaftar oo qayb ka ahaa siyaasadda Liibiya muddo ka badan afartan sanno ayaa wuxuu noqday nin ay warbaahinta caalamka aad u hadal hayeen maalmihii lasoo dhaafay.

Khaliifa Xaftar Wuxuu ku dhashay bariga magaalada Ajdabiya, sanadkii 1943-kii.

Xaftar wuxuu ka mid ahaa koox saraakiil ah oo hogaaminaysay duulaankii Korneyl Mucamar Qadaafi uu awoodda kaga qaaday boqor Idris, bartamihii 1969-kii.

Ciidamo ka amar qaata isaga ayaa la wareegay maamulka saldhigyada saliidda ugu waaweyn ee dalkaasi Liibiya, iyadoo ujeedkeedu uu ahaa, in dalalka saaxiibka la ah ay u dhoofiyaan shidaalka uu dalkaasi qaniga ku yahay, waxana ay saldhigteen magaalada dhinaca bari ku taalla ee Tobruk.

Hogaamiyihii hore ee dalka Libya, Macamar Al Qadaafi ayaa Haftar u dallacsiiyay garaadada ciidanka ugu sarreysa, wuxuuna taliye ka ahaa ciidamada Liibiya ee ka qeyb qaatay dagaalkii dalka Chad ay la galeen sannadkii 1980-kii.

Dib usoo noqoshada Haftar

Janaraal Haftar ayaa amar ku siiyay ciidammadiisa inay guluf ku qaadaan magaaladaLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionJanaraal Haftar ayaa amar ku siiyay ciidammadiisa inay guluf ku qaadaan magaalada

Ka dib markii uu billowday kacdoonkii looga soo horjeeday Qadaafi sanadkii 2011-kii, Xaftar wuxuu ku laabtay Liibiya halkaas oo uu noqday taliye muhiim ah oo ka mid ah xoogagga mucaaradka ah ee kacdoonka ka waday dhanka bari ee dalkaasi.

Markii ay dhacday dowladdii Qadaafi, Janaraal Xaftar kama uusan soo muuqan shaashadaha tan iyo bishii Febraayo ee sannadkii 2014-kii, markaas oo uu qorshihiisa ka sheegay warbaahinta, si uu qaranka u badbaadiyo, wuxuuna ugu baaqay dadka Liibiya in ay kasoo horjeestaan baarlamaanka la doortay, Congress-ka Guud ee Qaranka (GNC), kaas oo weli aysan muddadu u dhammaan.

Hadalkiisa ayaa ku soo aaday xilli markaas magaalada labaad ee ugu weyn Liibiya, ee Benghazi iyo magaalooyin kale oo ku yaalla bariga ay saameeyeen la wareegiddii ay la wareegeen kooxda Al-Qaacidada xiriirka la leh, ee Ansar Al-Sharia.

Waxaa soo baxay kooxo kale oo Islaamiyiin ah, kuwaasoo sameeyay dilal qorsheysan iyo qaraxyo lagu bartilmaameedsanayo milatariga, booliiska iyo shaqaale kale oo dowladeed.

Inkastoo Xaftar uusan xilligaas lahayn awood uu qorshihiisa ku hirgeliyo, hadana hadaladiisa ayaa dhaliyay caro, gaar ahaan magaalada Benghazi oo dadkii ku noolaa ay niyad jabtay sidii ay GNC iyo dowladeedaba ugu guul darreysteen in ay la dagaallamaan Islaamiyiinta.

Wixii hadda ka horeeyay caannimada Janaraal Khaliifa Xaftar ma dhaafsiisaneyn Libya, inkastoo xiriir hore uu la lahaa Qadaafi iyo Mareykanka, balse hadda oo ay ciidammadiisa ay ku sii siqayaan Caasimadda, wuxuu noqday janaraal indhaha caalamku ay eegayaan.

.Lahaanshaha sawirkaAFP
Image captionDagaalka Libya

Howgalkii mabaadii'da.

Bishii May ee sannadkii 2014-kii wuxuu Haftar bilaabay howlgal uu ugu magac daray Mabaadi'da Sharciga oo looga soo horjeeday kooxaha Islaamiyiinta ah ee fadhigoodu ahaa Benghazi iyo Barigeeda.

Bishii Maarso ee sannadkii 2015-kii, Baarlamaanka ayaa la doortay, Golaha Wakiillada oo beddelay GNC ayaa u magacaabay taliyihii ciidanka Liibiya, balse sanad kadib oo horumar yar la sameeyay ayay weerrar ku qaadeen dagaalyahannada Islaamiyiinta ah oo ka soo duulay magaalada Benghazi.

Bishii Sebtembar 2016, Ciidanka Qaranka Liibiya waxay billaabeen howlgal lagu magacaaby "howlgalka ciribtirka", oo lagu badbaadinayo goobaha keydka shidaalka, iygoo garabsanaya Qaramada midoobay.

Goobaha muhiimka ah ee saldhigyada saliidda waxaa ka mid ah Zueitina, Brega, Ras Lanuf iyo Sidrah , kuwaasoo dhammaan hodan ku ah saliidda loo yaqaan 'Crecent Oil'.

Markaasi ka dib, Afhayeenka iyo Taliyaha ugu sarreeya ciidamada qalabka sida, Agilah Saleh, ayaa dalacsiyay Xaftar oo waxaa uu ka dhigay taliyaha guud ee dalkaasi.

Inkastoo Haftar uusan ku faraxsanayn siyaasadaha maamulka dalkaasi ka jira ayaa hadana waxaan caddeyn damaciisa gaarka ah ee siyaasadda dalkaasi.