Xayiraadihii Yurub malaayiin qof ayey badbaadiyeen

0
Tuesday June 09, 2020 - 09:48:52 in by salman abdi
  • Visits: 331
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xayiraadihii Yurub malaayiin qof ayey badbaadiyeen

    Xayiraadihii Yurub malaayiin qof ayey badbaadiyeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayiraadihii Yurub malaayiin qof ayey badbaadiyeen

Xayiraadaha ayaa waxa ay badbaadiyeen in in ka badan saddex milyan oo qof ay Yurub noloshooda ku waayaan fayraska korona awadii, daraasad ayaa sidaasi qiyaastay.

Kooxda daraasadda samaysay oo ka tirsan Imperial College London ayaa sheegtay in "heerka dhimashada ay aad u badnaan laheyd" haddaanan xayiraadaha la soo rogi laheyn.

Hasayeeshee waxa ay ka digeen in tiro yar oo dad ah uu cudurku ku dhacay, welina la marayo "bilowga cudurkan safmarka ah".

Daraasad kale ayaa waxa ay ku doodaysaa in xayiraadihii caalamka lagu soo rogay inay "muddo kooban si aanan hore loo arag ku badbaadiyeen nolol badan".

Daraasadda mac-hadka Imperial ayaa waxa ay qiimaysay saameynta xayiraadaha ay ku reebeen 11 dal oo reer Yurub ah - Austria, Belgium, Denmark, France, Germany, Italy, Norway, Spain, Sweden, Switzerland iyo UK - kuwaas oo ay baarayeen tan iyo bilowgii bishii May.

Waqtigaas, ku dhawaad 130,000 oo qof ayaa dalalkaas ugu dhintay fayraska korona.

Cilmi-baarayaasha ayaa waxa ay isticmaaleen hab ay ku saadaalinayaan tirada dadka cudurka Covid-19 u dhiman lahaa haddii aanan xayiraadaha la soo rogin, halka go'aankii xukuumadda UK ay xayiraadda dalkaas ugu soo rogtay ay ka timid isla kooxdaasi.

Waxa ay qiyaaseen suuragalnimada in 3.2 milyan oo qof ay wixii loo gaaro 4 May u dhiman lahaayeen cudurka haddaanan la qaadin tallaabooyinka sida in ganacsiyada la xiro iyo in dadka loo sheego inay guryaha joogaan.

Taasna waxa ay ka dhigan tahay in xayiraaduhu ay badbaadiyeen nolosha ku dhawaad 3.1 milyan oo qof, oo ay ku jiraan 470,000 oo qof UK ku nool, 690,000 oo Faransiiska deggan iyo 630,000 oo qof Talyaaniga ku nool, warbixinta uu daabacay joornaalka Nature ayaa sidaas muujinaysa.

"Xayiraadda ayaa waxa ay weecisay malaayiin dhimasho, taas oo musiibo noqon laheyd," ayuu yiri Dr Seth Flaxman, oo ka tirsan mac-hadka Imperial.

Isbarbardhigista ay daraasaddu samaysay ayaa waxaa lagu qiyaasay dhowr arrimood oo dhici karay taas oo saameyn laheyd tirada dhimashada.

Waxa ay cilmi-baarayaashu qiyaaseen in qofna uusan badeli lahayn habka uu u noolyahay si looga jawaabo halista cudurka Covid-19 haddaanan xayiraad la soo rogi laheyn - iyo in isbitaalladu aanay ka saa'idcalayn dhimashada badan, taas oo ka dhici laheyd dalalka qaar.