Soomaalida Ottawa oo codkooda ku biiriyay cambaaraynta dilkii goerge Floyd

0
Thursday June 11, 2020 - 14:11:20 in by salman abdi
  • Visits: 317
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaalida Ottawa oo codkooda ku biiriyay cambaaraynta dilkii goerge Floyd

    Soomaalida Ottawa oo codkooda ku biiriyay cambaaraynta dilkii goerge Floyd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaalida Ottawa oo codkooda ku biiriyay cambaaraynta dilkii goerge Floyd
Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladaOttawa ee dalka Canada ayaa codkooda ku biiriyay cambaaraynta loogasoo horjeedo dilkii ay booliska Maraykanka u geysteen nin madow ah oo lagu magacaabo George Floyd.

 

George Floyd, oo ahaa 46 sano ayaa baraha bulshada ku baahay muuqaal mujinayay isga oo oronaya '' Ma neefsan karo'' waxaana markaasi luqunta jilibka kaga hayay nin cadaan oo boolis ah.

Kulanka bulshada Soomaalida ku cambaaraynaysay dilka George Floyd oo ka dhacay agagaarkaMasjid Salaama eemagaalada Ottawa, ayaa sidoo kale loogu hadalay wiil Somali-Canadian ahooBooliiska magaalada Ottawa ku dileen bishii July 24,sanadkii 2016.

Cabdiraxmaan Cabdi oo 37 jir ahaa ayaa ku geeriyooday isbitaal kadib markii Booliiska Ottawa ay u geysteen jirdil xoogan. Waxaa dilkiisa loo aaneeyay inuu salka ku hayo midab takoor iyocunsuriyad.
 

Daniel Montsin o ka tirsan Booliska magaalada Ottawa ayaa lagu soo oogay dacawad la xiriirta dilka Cabdiraxmaan Cabdi. Waxayna maxkamadiisa dib u bilaabandoontaa bisha July 6, 2020.
 
Ayada oo la tix-galinayo kala fogaansha la xiriira cudurka Covid-19, ayaa qayb kooban oo ka tirsan bulsha Soomaaliyeed ee magaalada Ottawa ka soo qayb galeen kulaankaas. Waxaase la rajeynayaa in dib loo kulmo si wadajir looga qayb qaato sidii caddaalad loogu heli lahaa dilkii loo geystay marxuum Cabdiraxmaan Cabdi.

Waxaa meesha lag akhriyay qudbado ku baxayay afar luuqadoodee kalaah, Soomaali, Carabi, English iyo Faransiis. Shaqsiyaadkii halkaas bayaanka ka aqriyey ayaa waxaa ka mid ahaa Sheikh Cabiraxmaan Bashiir, Sheikh Cabdikariim Sugulle, Cabdiraxman Kaahin iyo Sheikh Muuse Faarax.