Gudaha:-"Maamulka Muqdisho Wuxuu Quudhi La' Yahay Horumarka, Xasiloonida Iyo Dawladnimada Somaliland"Wasiir Koore.

0
Saturday June 13, 2020 - 11:45:25 in by salman abdi
  • Visits: 348
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudaha:-"Maamulka Muqdisho Wuxuu Quudhi La' Yahay Horumarka, Xasiloonida Iyo Dawladnimada Somaliland"Wasiir Koore.

    Gudaha:-"Maamulka Muqdisho Wuxuu Quudhi La'Yahay Horumarka,Xasiloonida Iyo Dawladnimada Somaliland"Wasiir Koore.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudaha:-"Maamulka Muqdisho Wuxuu Quudhi La'Yahay Horumarka,Xasiloonida Iyo Dawladnimada Somaliland"Wasiir Koore. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale baaq u diray Shacabka Somaliland, waxaanu ugu baaqay inay ka feejignadaan wax kasta oo lagu kala qaybinayo, waxaanu ugu horeyn yidhi "Somaliland oo Waddan xor ah, arimihiisa iyo heshiisyadiisana waa u xor, cid uu wax ka weydiinayana ma jirto, cid kasta oo isku dayda inay hor istaagana way ku xiiqaysaa, markaas Maamulka Muqdisho wuxuu quudhi la’ yahay horumarka, xasiloonida, dawladnimada iyo qaranimada Somaliland ka jira, waxaana uga digaynaa Maamulka Muqdisho ee uu Farmaajo Madaxweynaha ka yahay in aanay arimaha Somaliland faraha la soo galin, ee ay ku eekadan tooda, sababtoo ah anaguba arimaha Soomaaliya ma fara gashano, sidaas awgeed raali kama nihin in Waddan kale arimahayaga soo faragashado, cid kasta oo xadkayaga iyo qaranimadayada ku soo duusha, talaabo adag ayaanu ka qaadaynaa,”. Mar uu Shacabka reer Somaliland baaq u diraayey ayaa yidhi "Guud ahaan Shacabka Somaliland Gobol kasta, Deegaan kasta iyo Magaalo kasta oo ay joogaan waa dad walaalo ah, waa dad isku qaran ah, waa dad isku qadiyad ah, qaranimada Somaliland ayaa ka dhexeeysa, ee Shacabku marnaba yaanay raalli ka noqon in qabyaaladda iyo wax la mid ah lagu kala qaybiyo oo cadawgu ka faa’iidaysto, ee qarankooda ha wada ilaashadan, cadawgoodana meel ha uga soo wada jeestaan”