Kuuriyada Waqooyi oo ku hanjabtay inay ciidamo gayn doonto xadka milateriga ka caaggan

0
Tuesday June 16, 2020 - 09:34:11 in by salman abdi
  • Visits: 576
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kuuriyada Waqooyi oo ku hanjabtay inay ciidamo gayn doonto xadka milateriga ka caaggan

    Kuuriyada Waqooyi oo ku hanjabtay inay ciidamo gayn doonto xadka milateriga ka caaggan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kuuriyada Waqooyi oo ku hanjabtay inay ciidamo gayn doonto xadka milateriga ka caaggan

Milateriga Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa uu ka digay inuu diyaar u yahay inuu u ruqaansado aagga milateriga ka caaggan ee kala qaybiya labada Kuuriya.

Goodigga ayaa waxa uu qeyb ka yahay jawaab loo dirayo kooxo Kuuriyada Waqooyi ka goostay oo Koonfurta ka soo diraya hadallo borobogaanda ah.

Dabayaaqada todobaadkii tegay ayaa Kim Yo-jong, oo ay walaalo yihiin hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, waxa ay amartay milateriga inuu u diyaargaroobo u ruqaansiga xadka.

Milateriga ayaa haatan sheegaya inuu diyaar u yahay "inuu goobtaas furunta ah uu ka sameeyo saldhig culus oo milateri oo feejignaantiisu ay sarrayso".

Xiisadaha u dhaxeeya labada dal ee ka taagan xadka kala qeybiya ayaa sare u sii kacayay in mudda ahba, halkaas oo badanaa la isku dhaafsado buufinno ay farriimo ku xardhan yihiin.

Wasaaradda gaashaandhigga ee Kuuriyada Koonfureed ayaa Taladaadii iyadoo ka jawaabaysa hanjabaddaas cusub waxa ay sheegtay inay si dhaw Mareykanka kala shaqeynayso la socoshada dhaqdhaqaaqyada milateri ee Waqooyiga.

Muxuu Waqooyigu leeyahay?

Kuuriyada Waqooyi iyo tan Koonfureed ayaa waxaa kala qeybiya aagga milateriga ka caaggan - halkaas oo ku teedsan kalaqeybiya labada dal soona jiray tan iyo dagaalkii Kuuriya ee 1950-meeyadii.

Milateriga Kuuriyada Waqooyi ayaa Talaadadii sheegay inuu "darsayo qorshaha" uu milateriga ku gaynayo "aagga milateriga ka caaggan".

Madaxa shaqaalaha dowladda ayaa sheegtay in ciidammadu ay "heegan sare" ku jiraan oo ay diyaar u yihiin inay "si degdeg ah oo adag" ay u fuliyaan go'aannada dowladda.