War Deg Deg Ah:-Madasha Xisbiyada Qaran "Dowladdu way ku fashilantay qabashada doorasho qof iyo cod ah"

0
Saturday June 20, 2020 - 18:30:26 in by salman abdi
  • Visits: 451
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Madasha Xisbiyada Qaran "Dowladdu way ku fashilantay qabashada doorasho qof iyo cod ah"

    War Deg Deg Ah:-Madasha Xisbiyada Qaran "Dowladdu way ku fashilantay qabashada doorasho qof iyo cod ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Madasha Xisbiyada Qaran "Dowladdu way ku fashilantay qabashada doorasho qof iyo cod ah"
War saxaafadeed kasoo baxay madasha axsaabta qaran oo ay ku midoobeen dhowr xisbi oo mucaarad ah ayaa waxaa si weyn loogu dhaliilay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaaba lagu xusay warkaas qoraalka ah in dowladda hadda jirta ay ku fashilantay qabashada doorasho qof iyo cod ah .

 

Warkaan qoraalka ah oo ka kooban hal bog ayaa waxaa sidoo kale Baarlamanka Soomaaliya looga codsaday in uusan meel marin xeerkii dhowaan uusoo bandhigay Guddigii wada-jirka ahaa ee doorashada , kaas oo war saxaafadeedka lagu yiri wuxuu waddanka u horseedayaa qalalaase iyo deganaan la’aan.

Madaxda madasha axsaabta qaran ee mucaaradka ah ayaa waxay soo jeediyeen In loo tashto masiirka dalka, maadaama sida ay hadalka u dhigeen ay dowladdu ku fashilantay in doorasho qof iy cod ah dalka ka qabato.

Warkaan ayeey xisbiyada qaran soo saareen xilli dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ay sheegtay in Soomaaliya laga qabanayo doorasho qof iyo cod ah.