Askar ka tirsan Ciidamada dowladda oo qaar ay Al-shabaabnimo ku eedeysanyihiin oo maxkamadda Ciidamada hortagay

0
Sunday June 21, 2020 - 13:24:13 in by salman abdi
  • Visits: 330
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askar ka tirsan Ciidamada dowladda oo qaar ay Al-shabaabnimo ku eedeysanyihiin oo maxkamadda Ciidamada hortagay

    Askar ka tirsan Ciidamada dowladda oo qaar ay Al-shabaabnimo ku eedeysanyihiin oo maxkamadda Ciidamada hortagay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Askar ka tirsan Ciidamada dowladda oo qaar ay Al-shabaabnimo ku eedeysanyihiin oo maxkamadda Ciidamada hortagay Maxkamadda ciidamada qalabka sidda ee dowladda Soomaaliya ayaa u fadhiisatay dhageysiga dacwadda loo haaysto askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo lagusoo eedeeyay in qaar kamid ah ay la shaqeeyaan Al-shabaab iyo qaar kale oo loo haaysto ka qeyb-qaadashada dagaal sokeeye.

Garmaqalka dacwada oo ka dhacay degmada Guricel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa mid kamid ah askarta maxkamadda kasoo hormuuqday oo lagu magacaabo Ex-Dable xoogga Axmed Isaaq Nuur loo haaystaa inuu la shaqeynayay Al-shabaab , halka dable xoogga Cali Xasan Maxamed loo haaysto ka qeyb-galka dagaal u dhexeeyay beelo walaalo ah oo kasoo kala jeedo Maxaas iyo Guricel.

Ku –xigeenka xeer-ilaaliyaha maxkamadda Ciidamada qalabka sidda qeybta 27-aad Maxamed Cabdiqaadir Maxamed ayaa ka codsaday maxkamadda in raggaan la marsiiyo ciqaabta u dhiganta dembiyada loo haaysto.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qeybta 27-aad Gaashaanle Maxamed-Aamiin Cabdulle Aadan ayaa waxa uu dhiniciisa sheegay in ay la wareegeen kiisaska loo haaysto raggaan dhowaanna ay go’aanno kasoo saari doonaan.