Nin ku taajiray hal maalin gudahood kaddib markii uu helay dhagaxaan qaali ah

0
Thursday June 25, 2020 - 10:56:03 in by salman abdi
  • Visits: 441
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin ku taajiray hal maalin gudahood kaddib markii uu helay dhagaxaan qaali ah

    Nin ku taajiray hal maalin gudahood kaddib markii uu helay dhagaxaan qaali ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin ku taajiray hal maalin gudahood kaddib markii uu helay dhagaxaan qaali ah

Nin u dhashay dalka Tanzania ayaa hal maalin gudahood ku taajiray kaddib markii uu helay labo dhagaxaan oo qaali ah- kuwaas oo lagu sheegay dhagxantii ugu weyneyd ee dalkaas laga soo saaro.

Ninkan oo lagu magacaabo Saniniu Laizer wuxuu helay 3.4 malyan oo doolar kaddib ay dhagaxaanta ka iibsatay wasaaradda macdanta ee Tanzania.

Dhagaxaantaas ayaa laga helaa waqooyiga Tanzania oo kaliya ah, waxaana laga sameeyay qalabka laisku qurxiyo sida dhega-dhegaha.

Saniniu Laizer wuxuu sheegay in maanta uu qaban doono munaasabad weyn uu ugu dabaaldegayo farxadda.

Waxaa uu sheegay in uu dhiso iskuul iyo sidoo kale xarun weyn oo laga dukaameysto.

Madaxweynaha Tanazania ayaa telefoon u diray ninka dhagaxanta soo helay , waanu u hambalyeeyay.