Puntland iyo Galmudug oo heshiis ku gaaray magaalada Gaalkacyo+Arimaha Ay Ku Heshiyeen.

0
Saturday June 27, 2020 - 11:21:46 in by salman abdi
  • Visits: 402
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland iyo Galmudug oo heshiis ku gaaray magaalada Gaalkacyo+Arimaha Ay Ku Heshiyeen.

    Puntland iyo Galmudug oo heshiis ku gaaray magaalada Gaalkacyo+Arimaha Ay Ku Heshiyeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Puntland iyo Galmudug oo heshiis ku gaaray magaalada Gaalkacyo+Arimaha Ay Ku Heshiyeen. Puntland iyo Galmudug ayaa heshiis wada shaqayn ah ku gaaray magaalada Gaalkacyo kadib markii ay kulan gaar ah yeesheen labada madaxweyne iyo guddiyo ay kala hoggaaminayeen.

 
 
Labada maamul ayaa sheegay in heshiis laga gaaray arrimaha amniga, iskaashiga, kobcinta dhaqaalaha, dib u heshiisiinta iyo nabadaynta, sida uu tilmaamay madaxweynaha Galmudug, Qoorqoor.

"Waxaan kalsooni ku qabnaa heshiisyada aan halkaan ku gaarnay inay Puntland iyo Galmudug dhaafidoonaan oo Soomaali weyn uu sii anficidoono,” ayuu yidhi madaxweynaha Galmudug.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa sheegay in hay’addaha amniga ee labada dhinac iyo kuwa dhaqaalaha ay si joogto ah u wada shaqayn doonaan, si buu yidhi aan fursad loosiin kooxaha ka faa’idaysta khilaafka labada maamul.