Sababtii Reer Berbera Ee Joojintii Warshaddii Sibidhka Iyo Soo Dhawayntii Sibidhka Itoobiya,Waa Labo Isku Lamaan

0
Saturday March 08, 2014 - 19:32:11 in by Super Admin
  • Visits: 1304
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sababtii Reer Berbera Ee Joojintii Warshaddii Sibidhka Iyo Soo Dhawayntii Sibidhka Itoobiya,Waa Labo Isku Lamaan

    shacbiga somaliland gaar ahaan reer berbera waxa lagu calaamadiyey inay dumiyeen iftiinkii horumarka ummadda iyo kii dalkaba u soo ifayey waxa aanay joojiyeen dhisitaankii loogu abuuri lahaa ka shaqaysiinta warshadoodii shamiitada ee sibidhka soo saa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

shacbiga somaliland gaar ahaan reer berbera waxa lagu calaamadiyey inay dumiyeen iftiinkii horumarka ummadda iyo kii dalkaba u soo ifayey waxa aanay joojiyeen dhisitaankii loogu abuuri lahaa ka shaqaysiinta warshadoodii shamiitada ee sibidhka soo saari lahayd,
Sababtii Reer Berbera Ee Joojintii Warshaddii Sibidhka Iyo Soo Dhawayntii Sibidhka Itoobiya,Waa Labo Isku Lamaan
"Raqayo Nin Lehi Dabada Hayaa Makacdo"
shacbiga somaliland gaar ahaan reer berbera waxa lagu calaamadiyey inay dumiyeen iftiinkii horumarka ummadda iyo kii dalkaba u soo ifayey waxa aanay joojiyeen dhisitaankii loogu abuuri lahaa ka shaqaysiinta warshadoodii shamiitada ee sibidhka soo saari lahayd,ayaa si badheedh ah looga horjoogsaday muwaadin ganacsade ah oo ka dhiidhiyey khayraadka dhulkooda ceegaaga iyo sibidhkooda inuu soo saaro si ay ummaddiisu uga raysato sibidhka bilaa tayada ah ee dibadda laga keenayo,islamarkaana la dagay dhaqaalahoodii.
Ayaa isagoo taa ka damqanaya waxa uu ku fikiray in uu dhiso warshadoodii una soo saaro sibidhkoodi si looga nasto ama looga maarmo sibidhka wadamada kale inooga imanaya,islamarkaasna ay bulshadu shaqo abuur uga hesho dhaqaalaha ka soo baxana uu dalka dib ugu noqdo
Laakiin taasi ma ay suura galin oo waxa ka hor yimi dadkii deegaanka ay ku taal warshadda sibidhka ee gobolka saaxil oo si kale wax loo fahansiiyey 
Waxaa haddaba,ayaan darro noqotay,inay mas’uuliyiinta gobolka saaxil,wakhtigan xaadirka ah,ka mida muwaadiniinta dalkana,si badheedha uga hor joogsaday una diiday inu maal gashado warshada sibidhka.
khilaafkaa lagu joojiyey dhismaha warshaddii sibidhka ee berbera ayaa saamayn wayn ku yeeshay dhammaan shacbiga Somaliland oo markii hore ku farxay soo hadal qaadkii dhismaha warshadda,isla markaasina ku rajo waynaa hadii taasi rumowdo in dhalinyaro fara badan oo bilaa macmali shaqo ka heli doonaan dalkuna uu dhaqaale ka heli doono
keenista dalka ee sibidhka Itoobiya ayaa ku soo beegmaya Xilli somaliland iyo shacabkeedu awoodi kari waayeen in ay go'aan midaysan ka gaadhaan sidii loo dhisi lahaa Wershadii sibidhka ee Berbera, kaasoo noqon lahaa haddii la soo saaro mid Dalka iyo dibedaba ka Iib-geli kari lahaa.
taasina waxay fursad qaaliya siisay oo ka faa'iidaystay dawladda aynu jaarka nahay ee Itoobiya oo samaystay warshad sibidhka soo saarta islamarkaasina waxay sida daadka ugu soo daysay dalkeena
Inkasta oo ay dawladda somaliland Cashuur ka helayso,hadana waxa ku mudan shacbigeeda oo qalbigooda ka guuxaaya sababta ay ula soo bixi kari la’yihiin sibidhkooda
Wershada sibidhka Berbera ayaa ah mid fursado badan oo dhaqale lagu abuuri karo lahaa hadii dib looga shaqaysiin lahaa'ayaa waxa ay dad badani isweydiinayaan sababta hor taagan sibidhkii Berbera ee Xukuumadda somaliland balanqaaday in ay soo saarayso, 
Maxaa yeelay horaa loo yidhi raqaye nin lahi dabada hayo ma kacdo,sababtoo ah horumarkeenii iyo waxqabsigeenii inagaa la hadhnay oo isku noqonay caddow isaga oo aan cadaw kaleba inoo iman,oo waxaynu noqonay dad waxooda la jecel shisheeyaha inay u faa'ideeyaan koodana ay aasaan,Maahmaah soomaliyeedna waxay tidhaahdaa gudinyahay imaad go'yseen hadaan badhkay kugu jirin,maxaa yeelay inta aynu warshadeenii laynoo dhisaayey qalalaase ku abuurnay ayeynu haddana suuq u samayney sibidhkii Itoobiya 
in kasta oo aan la wada odhan karin khaladka iyo sababtaba lagu joojiyey dhismihii warshadda Sibidhka   ee berbera waxa iska leh bulshada deegaankaasi ku dhaqan,ayaa waxa la dareemi karaa inay ku lamaanayd cid danno gaara ka wadatay,isla markaana soo dhex maray dadka deegaankaasi kaas oo si khaldan waxa ugu sheegaaya 
Haddaba,waa maxay ujeedada ka dambeysa arrintan iyada ah ee sida gaarka ah u taabanaysa ninka muwaadin ee xaq iyo xuquuqda ku leh deegaankan….? Ma aha wax kale ee waxaa loo jeedaa waa reer hebel,waana arrin ugub ku ah s/Land oo aan horeysiyo dambayso ka dhicin dalkan.
 Waana arrin khatar ku ah jiritaanka iyo Qaranimada Jumhuuriyadan,oo mushkiladeeda iyo cawaaqib xumadeeda leh oo ku fidi karta gobollada kale,isla markaana noqon karta cudur aan daawo lahayn…. Dibna ugu soo noqon doonta,shakhsiyaadka ama mas’uuliyiinta reer saaxil oo mushkiladaas xal u helintoodu ku noqon doonto,mid ay ku kala jabaan dhexdooda oo aan wax garowshiyo ah ka heli doonin,walaaluhooda iyagoo miyir iyo maanba qaba ku xad gudbay, isla mar ahaantaana ay inta kale eedda iyo gafka dhabarka u saari doonaan,Hooyada s/Land, oo ah Berbera iyo Mas’uuliyinta reer saaxil iyo intii ku taageertayba.
Hadaba Markaan u soo noqdo arrintan gudo iyo debadba laga biyo diiday,ee raad xumada ku reebaysa dalkan iyo dadkiisa,isla markaana colaad iyo is nacayb ka dhex abuuraysa walaalaha is jecel ee danta guud iyo tan gaar ahaaneedba ay dhex u tahay ee deegaan wadaagta ah,in dhexdooda dab laga shido… oo ay shakhsiyaad danahooda gaarka ah wado u samaysanayaa,ka dhex toosaan hooyadii dal iyo dadba hormoodka u ahayd horumarka iyo deganaansha uu dalkani ku caano maalay,ayaa ilaa maanta la garan la’yahay ujeedada iyo sababaha ku kalifay inay u badheedhaan,hadaladda aan munaasibka ku ahayn muwaadin diyaar u ah inuu dalkan mustaqbalkiisa wax ku soo kordhiyo munaafacaad badan u leh dalkan iyo dadkiisaba,isla mar ahaantaana shaqooyin lagaga baahi baxo shaqo la’aanta ka abuuri lahaa,gaar ahaana reer berbera ay qaybta ugu badan shaqaalaha ka heli lahayd….iwm.
Waxaa kaloo xusid mudan,faa’idooyinka kala duwan ee uu gobolkani,sida gaarka ah uga helayo oo noqon doonta magac iyo horumar dheeraad ah oo ay gobollada kale kaga horeeyaan,isla markaana uu dalkani kaga maarmi karo,lacagta adage e kaga baxaysa sibidhka,dalkuna uu noqon doono mid dhinac walba isku-filaansho ka gaadha…iwm.
soo galitaankii sibidhka Itoobiya soo galay goboladda somaliland waxa uu ahaa mid kooban oo ay keeni jireen Ganacsato Reer somaliland ahi, balse imika wuxuu isku bedelay in ay is gara ordain oo kooxiba kooxda kale ku hawayso, si ay iyadu kooto ugu xidhato, taasoo illaa maalmo dhaweyd Doodeedu ka socotay xafiisyada Dawladda kadib markii laga fara maroojiyey kuwii bilaabay.
Xukuumadda Madaxweyne Axmed siilaanyo oo mudadii ay talada Dalka haysay ku talaabsatay guulo dhinaca Horumarka oo la taaban karo ayaan iyadu ilaa hada wax xal ah ka gaadhin sidii loo dhisi lahaa warshadda sibidhka iyo cidii dhisi-lahayd ama maalgashan lahayd 



 By.Axmed M.M.C
Hargeysa somaliland