War Deg Deg Ah:-Xildhibaanno madaxweyne Farmaajo hor dhigay inuu caddeeyo mowqifkiisa dhinaca doorashada.

0
Thursday July 16, 2020 - 11:31:41 in by salman abdi
  • Visits: 501
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Xildhibaanno madaxweyne Farmaajo hor dhigay inuu caddeeyo mowqifkiisa dhinaca doorashada.

    War Deg Deg Ah:-Xildhibaanno madaxweyne Farmaajo hor dhigay inuu caddeeyo mowqifkiisa dhinaca doorashada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Xildhibaanno madaxweyne Farmaajo hor dhigay inuu caddeeyo mowqifkiisa dhinaca doorashada. In ka badan 100 mudane oo ka tirsan xildhibaannada dowladda Soomaaliya ayaa waxay xalay kulan albaabada u xiran la yeesheen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , iyaga oo ka codsaday inuu caddeeyo mowqifkiisa dhinaca doorashada .

 
Xildhibaannadan ayaa waxay soo jeediyeen ineysan suura-gal aheyn , in dalka uu aado doorasho dad ban, xilli Baarlamanka aqalka hoose uu horay u meel-mariyay xeerkii doorashooyinka dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xildhibaannada la wadaagay inuu tegayo magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana uu talada kusoo celin doono wixii uu kala kulmo. Sida qaar kamid ah mudanyaashii ka qeyb-galay kulankii xalay ay HOL u sheegeen.

Kulanka madaxweynaha iyo xildhibaannada xalay ay ku yeesheen madaxtooyada qaranka ee Villa Somalia, ayaa  kusoo aadaya saacado uun kadib markii Guddoomiyaha Baarlamanka aqalka hoose Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan uu qaaddacay mid kamid ah qodobadii war-murtiyeedkii madaxda maamul Goboleedyada ee ah in Soomaaliya aysan ka dhici Karin doorasho qof iyo cod ah .

Xildhibaannada qaar ayaa waxay Hiiraan Online u sheegeen in kulankii madaxweyne Farmaajo ay la yeesheen uu kusoo idlaaday si wanaagsan, islamarkaana ay sugayaan waxa kasoo baxa shirka Dhuusamareeb ka dhici doona.