"Ciidanka Soomaaliya ma ahan calooshood u shaqeystayaal Libya u socda"

0
Thursday July 23, 2020 - 10:44:32 in by salman abdi
  • Visits: 465
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ciidanka Soomaaliya ma ahan calooshood u shaqeystayaal Libya u socda"

    "Ciidanka Soomaaliya ma ahan calooshood u shaqeystayaal Libya u socda"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ciidanka Soomaaliya ma ahan calooshood u shaqeystayaal Libya u socda"
Askar
 

Waxaa dhowaanahan la isla dhexmarayay in Soomaaliya ay ciidamo u direyso dalka Libya si ay u "caawiyaan" kuwa Turkiga.

Xaaladda Libya ayaa sii xumaaneysa iyadoo dowladdo awood leh ay ku dul loolamayaan - waxaana ugu dambeeya Turkiga iyo Masar.

Turkiga wuxuu taageereyaa maamulka Qaramada Midoobey ay aqoonsan tahay ee ku sugan caasimadda Tripoli, halka Masar iyo dowlado kale ay taageerayaan Janaraalka laga adkaaday ee Khalifa Xaftar.

Baarlamaanka Masar ayaa sidoo kale, shalay isku raacay in militariga dalkooda ay gudaha u gali karaan Libya, iyagoo taageeraya qabiillada deggan xuduudda dhanka Libya.

Dowlado ay ka mid tahay Aljeeriya ayaa ka digaya dhibaatada ka dhalan karto in hub la siiyo qabiillo iska soo horjeeda - taas oo uu sheegay in ay abuuri karto "Soomaaliya cusub".

Hadaba, waxaa jiray bogag internet ah oo lagu qoray in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ciidamo u direyso Libya "kuwaas oo gacan ka geysanaya xasilinta dalkaas".

Wasiirka Arrimaha diabdda ee Soomaaliya, Axmed Ciisa Cawad
Qoraalka sawirka,

Wasiirka Arrimaha diabdda ee Soomaaliya, Axmed Ciisa Cawad

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciisa Cawad, ayaa beeniyay in arrintaas ay jirto wuxuuna yiri: "ma jiraan ciidan aan u direyno Libya".

"Ciidamada Soomaaliya ma ahan calooshood u shaqeystayaal, sida ciidamada kale ee la sheeg-sheegayay. Marka anaga ma haysano calooshood u shaqeystaal", ayuu yiri wasiirka.

Wuxuu intaa ku daray: "Wararka meelaha lagu qorayo ee dacaayadaha ah waxba kama jiraan".

Turkiga ayaa saldhig ciidan oo wayn ku leh Muqdisho halkaas oo lagu tababaro ciidanka xoogga Soomaaliya.
Qoraalka sawirka,

Turkiga ayaa saldhig ciidan oo wayn ku leh Muqdisho halkaas oo lagu tababaro ciidanka xoogga Soomaaliya.

Wuxuu Wasiir Cawad beeninayay hadal ahaa in "Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ay ka wadahadlayaan sidii ay ciidamo wada jira ugu diri lahaayeen Libya".

Dhanka kale, waxaa jiro madax ka digeysa in Libya "ay u burburto sida Soomaaliya", ayna colaad xun ka dhacdo.

"Hubeynta qabiillada Libya waxay sababeysaa Soomaaliya cusub"

Madaxweynaha Aljeeriya, Cabdelmajid Tebboune, ayaa sheegay inuu ka xun yahay in "la hubeeyo qabiillada Libya", sida ay qorayaan qaar ka mid ah warbaahinta Carabta.

Wuxuu madaxweynaha sheegay in "arrintaas ay sii xumeyn doonto xaaladda Libya ayna abuuri doonto mid la mid ah dhibaatada Soomaaliya", sida lagu qoray warbaahinta Middle East Monitor.

Madaxweynaha Aljeeriya, Cabdelmajid Tebboune.
Qoraalka sawirka,

Madaxweynaha Aljeeriya, Cabdelmajid Tebbuune.

Madaxweyne Cabdelmajid Tebboune ayaa sheegay in dalkiisa uu hayo xal fiican oo lagu soo afjarayo qalalaasaha Libya. "Qorshahaas waxaa aqbalay Qaramada Midoobey waxaana la gudbin doonaa iyadoo lagala shaqeynayo Tunisiya".

Hadalkaas wuxuu madaxweynaha ka sheegay wareysi uu siiyay warbaahinta gudaha Aljeeria, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Madaxweynaha Aljeeriya ayaa sheegay in dalkiisa uu diidan yahay in hub la siiyo qabiillada Libya, isagoo yiri: "Waxaa maqlayay maalintii la soo dhaafay in hub la siinayo qabiillada Libya si ay isu difaacaan, tallaabadaasna waa halis, waxaana arki doonnaa Soomaaliya cusub oo aan xal loo heli doonin."