Maxay tahay dacwadda kale ee lagu soo oogay ninki loo qabtay dilka George Floyd?

0
Thursday July 23, 2020 - 10:50:25 in by salman abdi
  • Visits: 404
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay tahay dacwadda kale ee lagu soo oogay ninki loo qabtay dilka George Floyd?

    Maxay tahay dacwadda kale ee lagu soo oogay ninki loo qabtay dilka George Floyd?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay tahay dacwadda kale ee lagu soo oogay ninki loo qabtay dilka George Floyd?

Derek Chauvin, oo ah askarigii horay uga tirsanaa booliska Minneapolis qoorta uga istaagay George Floyd isla markaana loo haysto dilkiisa, ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu canshuur uu isdaba mariyey.

Derek Chauvin iyo xaaskiisa ayaa lagu soo eedeeyey iney soo sheegi waayeen dakhliga shaqooyinka kala duwan ka soo gala sidaana ay ugu baaqatay canshuur gaareyso $38,000 oo doolar.

Xafiiska xeer ilaalinta bishii May wuxuu sheegay inuu hayo caddeyn muujinaysa in Chauvin uu ninka dhintay jilibka qoorta uga hayay muddo 8 daqiiqo iyo 46 ilbiriqsi ah, taasoo 2 daqiiqo iyo 53 ilbiriqsi oo kamid ah uusan nuux-nuuxsaneyn Floyd.

Ficilka foosha xun uu askarigaasi uu sameeyey waxaa ka dhashay mudaharaadyo ballaadhan oo lagu dalbanayo in booliska isbeddel lagu sameeyo.

Mr Chauvin ayaa shaqada laga eryey isaga oo lagu soo oogay dacwad dil oo heerka labaad ah. Seddex askari oo kalana ayaa sida oo kale shaqada laga eryey laguna soo oogay dilka George Floyd iney gacan ka geysteen.

Mr Chauvin iyo xaaskiisa ay ishayaan Kellie Chauvin ayaa dacwado gooni gooni ah arbacadi loga soo oogay gobolka Washington, iyaga oo lagu soo oogay iney gacan ka geysteen been abuurka canshuurta iyo iney xareyn waayeen canshuurti lagu lahaa.

Kiiska dacwaddana waxaa lagu sheegay dakhli dhan $464,433 oo ay heleen inta u dhaxeysay 2014-2019. Lacagtaasi oo ay ku jirto dakhli uu Mr Chauvin uu ka helayey shaqooyin ka baxsan shaqooyinkiisa caadiga ah.

Xeer ilaaliye Cimraan Cali wakaaladda wararka ee AP wuxuu u sheegay canshuurta uu Mr Chauvin bixin iney sii badan karto inta uu baaritaanka ku socdo.

Xaaska Mr Chauvin, Kellie Chauvin waxay dalbatay furriin kaddib marki ninkeeda loo xiray shaqadana looga eryey dilka Geroge Floyd uu u geystay.

War qoraal ah oo laga soo saaray xafiiska qareenkeeda ee Sekula Law Office ayaa lagu sheegay in Kellie Chauvin ay aad uga naxday geerida George Floyd, ayna murugada la qeybsaneyso qoyskiisa. "Waxa ay Derek Chauvin ka dalbatay furriin, maadamaa aysan wax carruur ah isu dhalin, waxa ay Kellie codsaneysaa in gebi ahaanba qoyskeeda la siiyo ammaan xilligan adag," ayaa lagu sheegay qoraalka ay soo xigatay warbaahinta ABC News.

Garyaqaan Pete Orput wuxuu sheegay inuu Mr Chauvin uu ku guul darreystay canshuurti laga rabay inuu bixiyo "isaga oo lacagti ay xaqa u lahaayeen muwaaddiniinta Minnesota uu jeebka gashanayey".

"Haddii aad tahay xeer ilaaliye ama asakari boolis ah, ama ahaaw dhakhtar ama ganacsade cidna sharciga kama sarreyso," ayuu yiri