
Gudaha:Hoos U Dhac Ku Yimi Suuqa Kala Iibsiga Xoolaha Somalila
Gudaha:Hoos U Dhac Ku Yimi Suuqa Kala Iibsiga Xoolaha Somalila cHoos U Dhac Ku Yimi Suuqa Kala Iibsiga Xoolaha Somaliland
Diyaar garowgii ugu danbeeyay ee ku saabsana munaasibada Ciidul
Adxada ayaa laga dareemaya badi Sayladdaha xoolaha ee Somaliland.
Meelaha sida weyn diyaar garowga saxmadda Ciidu uga muuqaneyso
waxaa ka mida Sayladda xoolaha ee magaalada Hargeysa, sicirka lagu
iibinayo xoolaha gaar ahaan Adhiga ayuu hoos u dhac ku yimid.
Sannad walba marka la gaadho wakhtigan oo kale ee ay maalmo koobani
ka hadhsan yihiin Ciida Arafo waa wax iska caadiya in isbadel uu ku
yimaado qiimaha la kala siisanayo xoolaha noocyadooda kala gaddisan,
Share
HOME ABOUT US DIINTA SOMALI HISTORY WARARKA SUUGAAN MAQAALLO MULTIMEDIA LINKS CONTACT US
7/30/2020 Hoos U Dhac Ku Yimi Suuqa Kala Iibsiga Xoolaha Somaliland
https://burcoonline.com/articles/96495/Hoos‐U‐Dhac‐Ku‐Yimi‐Suuqa‐Kala‐Iibsiga‐Xoolaha‐Somaliland 2/5
balse sannadkani waa uu ka duwan yahay sannadihii la soo dhaafay taasi
oo ay sabab u tahay xannuunka safmarka ah ee Covid19 oo hoos u
dhigay dhaqaalihii dalka iyo dadka, iyada oo aanay jirin xoolihii dhoofi
jiray.
Dhanka kale dadka xoolaha ka ganacsada ee soo iibsadda dibna u sii
iibiya ayaa sheegay in hoos u dhaca ku yimid iibka xoolaha uu saameyn
ku yeeshay xoolahooda taasina ay sababtay in macaashkii ay heli jireen
uu yaraado "Xoolaha waala iibsanaya, kuwa waala celinayaa, xooluhu
waa iska sicir suuq xoolaha waanu soo iibsanaa mukhaarish lacag aan
nagu aheyn mararka qaaar waanu siinaynaa, mararka qaarna waa naloo
gaadhaa sidii ay ahaan jirtay Sayladu iibku imika aad ayuu uga
hooseeyaa waxaana sabab u ah xannuunada soo kordhay iyo
waddamada kala xidhan, Wanka weyn ee aanu markii hore siin jirnay 120
dollar imika 80dollar ayaanu siinaynaa, waa Ciid jawigu waa uu fiican
yahay balse sidiisii looma gaadhayo wakhtigaana sababay”
Maxamed Diiriye Jaamac kana mida dadka u soo xoolaha doontay
Saylada xoolaha ee magaalada Hargeysa, si uu neef maalinta Ciida uu
qasho uu uga iibsado ayaa ka waramay sicirka laga siiyay neefkaasi
"Wananka iyo Iduhu waa ay kala duwan yihiin xagga iibka sababto ah
Wananka boqol dollar ayaa ugu yar, balse laxdan waxaa la’iga siiyay lix
boqol iyo konton kun oo shilinka Somaliland ah, waa ILLAAHEY mahadii,
carruurtana waan u qalayaa Jidka Siraadna waxaan doonayaa in aan
fuulo oo ay igala baxdo ayaan doonayaa Wanka iyo Laxduna waa isku
mid xaga diinta oo in aad wuxuun qasho ayaa la doonayaa, ciyaalku waa
ay ku farxi doonaan marka aan dhex geeyo hadii ILLAAHEY yidhaaho,
xoolihii Sucuudiga u dhoofi jiray ayaan jirin waana ta sababtay in ay
xooluhu jabaan”
"Geeli wixii soo galay Saylada si fiican ayaa loo iibsaday oo wax foofay
ma jiro, geelana neef iyo sararkii ayaa la iibsanayaa, kuwa dhaqmaadka
ahi iyagu waa qaali, kuwa hilib ahaantuna iyaguna waa qaali, ma xuma
suuqa kala iibsiga geela ee sayladu”Ayuu yidhi mid ka mida dilaalinta
geela iibisa ee Saylada magaalada Hargeysa maalin aad u baahan tihiin
ayaad heli doontaan
Gudaha:Hoos U Dhac Ku Yimi Suuqa Kala Iibsiga Xoolaha Somalila
Gudaha:Hoos U Dhac Ku Yimi Suuqa Kala Iibsiga Xoolaha Somalila