Dibada:Kim Jongun Oo Sheegay In Nukliyeerka Dalkiisa Uu Difaac U Yahay Dagaa
Dibada:Kim Jongun Oo Sheegay In Nukliyeerka Dalkiisa Uu Difaac U Yahay Dagaa Kim Jongun Oo Sheegay In Nukliyeerka Dalkiisa Uu Difaac U Yahay Dagaal
Hogaamiyaha kuuriyada waqooyi, Kim Jongun ayaa sheegay in uu
aaminsan yahay in dalkiisa uusan u bahnaan doonin in uu dagaal galo,
wuxuuna tilmaamay in nukliyeerka uu waddankiisa ka difaacayo dagaal.
"Inta aan heysano hubka aan isku haleyn karno ee waxtarka leh ee
nukleerka, dagaal dambe kama dhici doono adduunka, ammaanka iyo
badqabka dalkeenana wuxuu waligi ahaanayaa mid la isku hubo," ayuu
yiri Kim oo khudbad jeedinayay.
Hadalkan ayuu ka sheegay munaasabad loogu dabaaldegayay 67 sano
guuradii ka soo wareegatay markii uu dhamaaday dagaalkii labada
Share
HOME ABOUT US DIINTA SOMALI HISTORY WARARKA SUUGAAN MAQAALLO MULTIMEDIA LINKS CONTACT US
7/30/2020 Kim Jong‐un Oo Sheegay In Nukliyeerka Dalkiisa Uu Difaac U Yahay Dagaal
https://burcoonline.com/articles/96494/Kim‐Jong‐un‐Oo‐Sheegay‐In‐Nukliyeerka‐Dalkiisa‐Uu‐Difaac‐U‐Yahay‐Dagaal 2/5
Kuuriya.
Munaasabadda lagu qabtay magaalada Pyongyang, waxaa lagu
maamuusayay dadkii Kuuriyada Waqooyi uga qeyb qaatay dagaalkaas.
Kim ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisa uu horumariyay hubka
nukliyeerka, "si uu ugu guuleysto ka hortagga dagaal kale".
"Waxaan hadda u diyaarsanahy in aynu iska difaacno khatar walba oo
militari", ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Hadalka Kim Jongun wuxuu markale hoos ka xariiqay in hogaamiyaha
dalkaas uusan diyaar u ahayn in uu wareejiyo hubka nukliyeerka ee uu
dalkiisa heysto, inkastoo dowladda Mareykanka ay isku daydXoghayaha arrimaha dibadda ee Maeykanka, Mike Pompeo, ayaa
sheegay in madaxweyne Donald Trump uu wadahadal dhab ah la geli
doona Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jongun, waa haddii si
dhab ah horumr looga sameeyo arrintaas.
Gabar ay walaalo yihiin Kim iyo saraakiisha sare ee Kuuriyada Waqooyi
ayaa sheegaya in aysan suurtagal ahayn in Trump uu arrimahaas ka
dhiganayo guul siyaasadeed oo uu gaaray.
Kuuriyada Waqooyi ayaa in muddo ah ku raad joogtay helitaanka hub
nukleer ah oo ay isaga difaacdo khatar walba oo dibadda uga timaado,
balse khubaro ah waxay aaminsan yihiin in ay uga sii dareyso xaaladda
wadankaas, Kim na ay u oggolaneyso in siyaasado adag uu kusii
maamulo dalkaas.
Si walba oo ay noqotaba, way adag tahay in Kuuriyada Waqooyi ay
heshiis ka gasho hubka nukleerka, maadaama dalal uu ka mid yahay
Mareykanka ay dhowr jeer kulamo la yeesheen, natiijo wax ku ool ahn
Dibada:Kim Jongun Oo Sheegay In Nukliyeerka Dalkiisa Uu Difaac U Yahay Dagaa
Dibada:Kim Jongun Oo Sheegay In Nukliyeerka Dalkiisa Uu Difaac U Yahay Dagaa