Dibada:Nin 'Nabinnimo Sheegtay' Oo Maxkamad Dhexdeed Lagu Toogtay
Dibada:Nin 'Nabinnimo Sheegtay' Oo Maxkamad Dhexdeed Lagu Toogtay isagoo ku jira gudaha maxkamad ku taalla dalka Pakistan, xilli uu
dhageysiga dacwaddiisa ka socday magaalada waqooyi ee Peshawar.
Waxaa kiis maxkamadeed lagu soo oogay markii sida la sheegay uu isku
dayay inuu dadka ka dhaadhiciyo inuu yahay nabi.
Sheegashada nabinimada iyo aflagaaddada loo geysto diinta Islaamkaayaa dalka Pakistan waxaa ciqaabteeda ay ka noqon kartaa dil.
Inkastoo wali aysan jirin cid ay dowladda u toogatay arrimahaas,
haddana waxaa marar badan ay horseedaan inuu dhaco qalalaase iyo
weerar.
Ninka la dilay, oo lagu magacaabi jiray Tahir Ahmad Naseem, ayaa
sanadkii 2018kii lagu soo eedeeyay inuu nabinimada sheegtay, waxaana
eedeyntaas soo gudbiyay qof dhowr iyo toban jir ah.
Subaxnimadii saaka, oo Arbaco ah ayaa la dilay isagoo garsooraha hor
taagan.
Muuqaal lagu shaaciyay baraha bulshada ayaa laga arkayaa meydkiisa
oo saaran mid ka mid ah kuraasta maxkamadda.
Ninka weerarka dilka ah fuliyay ayaa durbadiiba lagu xiray goobta.
Muuqaal kale ayaa laga soo duubay isagoo gacmaha ka xiran, oo ku
qeylinaya ninka uu dilay, isagoo ku tilmaamaya "cadowga Islaamka".
Mr Naseem waxaa markii ugu horreysay eedeeyay wiil lagu magacaabo
Awais Malik, oo arday ka ah madaraso ku taalla magaalada Peshawar.
Sida lagu sheegay eedeynta, Mr Naseem ayaa wiilkaas khadka internetka
kula hadlay isagoo ku nool waddanka Mareykanka.
Mr Malik, ayaa BBCda u sheegay inuu markii dambe Mr Naseem kula
kulmay dukaan ku yaalla magaalada Peshawar, si uu ugala sheekeysto
waxa uu ka aaminsan yahay diinta, kaddibna uu booliska ku dacweeyayWuxuu intaas ku daray in uusan maanta goob joog ka ahayn
maxkamadda, wax war ahna uusan ka heynin toogashada dhacday.
Ninka dilka geystay ayaa magaciisa lagu soo koobay Khaalid. Wali ma
cadda sida ay ugu suurtagashay inuu maxkamadda dhexdeeda la galoMr Naseem wuxuu ku dhashay dariiqada diimeed ee loo yaqaanno
Axmadiya, oo looga dhaqmo meelo ka mid ah Pakistan, sida uu sheegay
afhayeen u hadlay ururka bulshada.
Laakiin wuxuu intaas ku daray inuu ka baxay dariiqadaas, uuna sheegay
inuu nabi yahay.
Hoggaamiyaha bulshada ayaa xusay in Mr Naseem uu ahaa qof
maskaxda looga jiro.
Dadka u dooda xuquuqqda aadanaha ayaa sheegay in gacanta birta ah
ee lagu qabto dadka ku xad gudba diinta ay saameyso oo kaliya dadka
kasoo jeeda bulshooyinka laga tirada badan yahay, lana dhiirrigaliyo
weerarrada loo geysto dadkaas.
Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, tobannaan qof oo lagu eedeeyay
arrimahaas ayaa lagu dilay kacdoon ay dad shacab ah sameeyeen.
Dhinaca kale, hadda waxaa baraha bulshada ee dalka Pakistan si weyn
loogu hadal hayaa qof Twitterka isticmaala oo lagu eedeeyay inuu
nabinnimo sheegtay. Dad badan ayaa u gooddinaya qofkaas.
Hase yeeshee, dad u cabsi qaba nabadgalyadiisa ayaa isku dayaya inay
ka hor tagaan eedeymaha loo jeedinay
Dibada:Nin 'Nabinnimo Sheegtay' Oo Maxkamad Dhexdeed Lagu Toogtay
Dibada:Nin 'Nabinnimo Sheegtay' Oo Maxkamad Dhexdeed Lagu Toogtay