Gudaha:WADDANI Oo Sheegay In Khaladaad Uu Madaxweynuhu Sameeyay Ay Dhabbaha U Xaadhayso Inay Doorashada Ku Guulaystaan
Gudaha:WADDANI Oo Sheegay In Khaladaad Uu Madaxweynuhu Sameeyay Ay Dhabbaha U Xaadhayso Inay Doorashada Ku Guulaystaan WADDANI Oo Sheegay In Khaladaad Uu Madaxweynuhu Sameeyay Ay
Dhabbaha U Xaadhayso Inay Doorashada Ku Guulaystaan
Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa aad u dhaliilay Hoggaaminta
Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.
Xisbiga WADDANI ayaa sheegay in jidka uu Madaxweynuhu u maray
hoggaaminta dalku tahay mid aan la Mahadin, maaddaama oo uu shaqooyinkii
Hay’adaha Qaranka u dhiibay Dad aan Xirfaddooda lahayn, taasina
ragaadisay Hay’adihii Qaranka ee ay loo baahnaa inay horumar sameeyaan.
Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI Khadar Xuseen Cabdi
oo lagu waraystay Barnaamijka Masraxa siyaasadda ee Telefiishanka SAHAN
ayaa inay aaminsan yihiin Xisbi ahaan in Shacabku ku hoggaabay
hoggaaminta Madaxweynaha, sidaasi darteed ay doorashada soo socota guulXoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI oo ugu horrayn ka jawaabaya su’aal
nuxurkeedu ahaa waxay ka filayaan doorashada ayaa ku jawaabay
"Doorashada soo socota waxaanu ka filaynaa inay noqoto jawaabtii koowaad
ee Shacabka reer Somaliland ay ka bixinayaan Hoggaaminta Madaxweyne
Muuse Biixi. 2 sano iyo badh (ka dib) Maanta Shacabka reer Somaliland waxa
u cad dariiqa uu Madaxweynaha talada hayaa qaaday, waxa Cad in
Madaxweynuhu uu Hoggaamintii Ummadda iyo Waddankan uu ku fashilmay,
markaa rejada ugu weyn ee aanu doorashada ka qabnaa waxa weeyaan in
Farriin Cad ay u dhiibaan Shacabku Madaxweynaha (Taasi) oo ah sida aanay
ugu kalsoonayn, ugu qanacsanayn hoggaamintiisa, halkaana waxa laga garan
doono Shacabku inay leeyihiin kuma qanacsanin habka aad wax u waddo,
Dadka aad dooranayso ee aad xilalka qaranka u dhiibayso kuma qanacsanin. "
Xoghayaha guud wuxuu sheegay in inta badan Hay’adaha Dawladda ay
Maamulaan Dad aan lahayn Xirfaddii looga baahnaa "Haddaad imika eegto
Qaranka, waxaad mooddaa in Wasaarad walba la geynayo Qof aan
Farsamada (Wasaaraddaa) garanayn, marka laga reebo Wasaarado yar oo
kooban, Wasaaradihii ugu muhiimsanaa Wasaaradaha Qaranka ee ay ka mid
ahaayeen Wasaaradda Beeraha iyo Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee ay
ahayd in la geeyo Dad aqoontaa iyo Farsamadaa leh ayaa la geynayaa Dad
aan xirfaddaa lahayn.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray "Haddaad soo tiro
koobto Hay’adaha Dawladda oo dhan intee leh shaqada ay hayaan
Xirfaddeeda iyo intee baan lahayn, Runtii waxa kuu soo baxaysa in inta badani
aanay lahayn khibraddii iyo Xirfaddii looga baahnaa shaqada ay hayaan,
waxayna muujinaysaa habmaamulka Madaxweynaha iyo Hoggaaminta
Madaxweynaha. Markaad Qof u dhiibto shaqo garanayn, waad ogtahay inaanu
wax badan ku soo kordhinayn, adigana wax badan kaalla doodi karaynin,
markaa si aad u hesho Dad Arday oo kale ah oo Adiga si fiican kuu dhegaysta
waa inaad Nin walba ku taartaa (u dhiibtaa) meel aanu Xirfaddeeda lahayn.”
Xoghayuhu wuxuu sheegay inay rejo ka qabaan in khaladaad ay Xisbi ahaan
rumaysan yihiin in Madaxweynuhu sameeyay ay Xisbi ahaan u noqon doonto
Dariiq ay u maraan guul ay doorashada soo socota ka gaadhaan "Waxaan aad
ugu Rejoweynahay khaladaadkaa waaweyn ee Siyaasiga ah ee dhacay
muddadaa labada sano iyo badhka ah ee Madaxweynuhu Talada hayey,
hoggaamintaa Madaxweynaha ee aan la Mahadinin in Dadku jawaab cad ka
bixin doonaan, sababta doorashada looga meeraysanayey muddadaasna
sidaas inay tahay ayaan aaminsanahay.”ayuu yid
Gudaha:WADDANI Oo Sheegay In Khaladaad Uu Madaxweynuhu Sameeyay Ay Dhabbaha U Xaadhayso Inay Doorashada Ku Guulaystaan
Gudaha:WADDANI Oo Sheegay In Khaladaad Uu Madaxweynuhu Sameeyay Ay Dhabbaha U Xaadhayso Inay Doorashada Ku Guulaystaan