walaac laga Qabo Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka ee Soomaaliya?+Sababta Keentay Wakhtigan
Kooxaha Bulshada Rayadka Soomaaliyeed ayaa walaac ka muujiyay Xubnaha Golaha Adeega Garsoorka dalka Soomaaliya oo dhawaan golaha wasiirrada ee dowladda federaalka Soomaaliya ay meel mariyeen.
Waxaa ay sheegeen in xilligaan aaney habooneyn in golahaan oo muhiim u ah dalka ay meel mariyaan xukuumada oo dhawaan baarlmanaka Soomaaliya ay kalsoonida kala noqdeen.
Gudoomiyaha Isu taga Ururada Bulshada Rayadka Soomaaliyeed Cismaan Muxyadiin Shaatax oo BBC-da wareysi siiyay ayaa sheegay in walaacooda ugu weyn uu ku qotomo meel marinta Golaha Adeega Garsoorka taasi oo keeni karto dhibaato iyo kala fogaansho hor leh.
"Golahan waa gole muhiim ah oo laf-dhabar u ah dalka, mana haboono in xukuumad kalsoonidii lagala laabtay ay ansixsio golahan sababtoo waxaa fiican in loo daayo xukuumadda cusub."
"Inaga waxaa doorkeena ah in walaaceena aan la wadaagno shacabka oo aanu u bidhaamino arrintan oo aan aaminsannahay iney sharciga baalmarsantahay, horseedi kartana dhibaato."
Dhanka kale Xisbiga Wadajir ayaa sharci darro ku tilmaamay in xubno ka mid ah Xukuumaddii dhacdy ay ansixiyaan Golaha Adeegga Garsoorka.
Qoraal ka soo baxay xisbiga Wadajir ayaa lagu sheegay in Xukuumad heysata Kalsoonida Baarlamaanka ay awood u leedahay inay soo jeediso
"Waa tallaabo kale oo si ula kac ah Rajiimka talada haya ugu tuntay dastuurka iyo shuruucda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya" ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Wadajir.
Walacaan ayaa ku soo beegmaya kaddib markii 30-kii bisha July ay Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay markii ugu horreysay yeesheen shirkoodii toddobaadlaha ahaa, wixii ka dambeeyay markii xilka laga qaaday Ra'iisul Wasaarihii dowladda Xasan Cali Kheyre, waxaana shirkaasi oo uu guddoominyay Ku simaha Ra'iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed ka soo baxay qodobadan hoos ku xusan:
walaac laga Qabo Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka ee Soomaaliya?+Sababta Keentay Wakhtigan
walaac laga Qabo Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka ee Soomaaliya?+Sababta Keentay Wakhtigan.