Ruushka ayaa sheegay tijaabada ugu horreysay ee tallaalka in si buuxda looga guuleystay

0
Sunday August 02, 2020 - 08:41:23 in by salman abdi
  • Visits: 350
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ruushka ayaa sheegay tijaabada ugu horreysay ee tallaalka in si buuxda looga guuleystay

    Ruushka ayaa sheegay tijaabada ugu horreysay ee tallaalka in si buuxda looga guuleystay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ruushka ayaa sheegay tijaabada ugu horreysay ee tallaalka in si buuxda looga guuleystay

Wasaaradda caafimaaka dalka Ruushka ayaa sheegtay, hay'adaha caafimaadka dalka Ruushka iney iisu diyaarinayaan olole tallaal oo ballaadhan oo ku saabsan Coronavirus oo bisha Oktober dalkaasi laga fulinayo.

Warbaahinta dalka Ruushka oo soo xigatay wasiirka caafimaadka Ruushka Mikhail Murashko waxay sheegeen dhakhaatiirta iyo macallimiinta in tallaalka ugu horreeya lagu billaabayo.

Wakaaladda wararka ee Reuters, oo soo xigatay ilo wareedyo ay shaacin ayaa sheegtay in tallaalka Ruushka uu ku guuleystay si rasmi ah bishan loo ansixin doono.

Hase yeeshee, khubarada qaar waxay walaac ka muujiyeen Ruushka orodka u uugu jiro inuu noqdo dalka ugu horreeyey ee tallaaka Covid-19 soo saara.

Jimcihina, Khabiirka sare ee cudurrada faafa ee dalka Mareykanka, Dr Anthony Fauci, wuxuu sheegay inuu rajeynayo Ruushka iyo Shiinaha "iney tallaalka si dhab ah u tijaabinayaan" ka hor inta ay cidna kaga hormarin.

Dr Fauci wuxuu sheegay Mareykanka inuu dabayaaqada sanadkan uu soo saaray tallaal "lagu kalsoonaan karo waxtarna leh".

"Ma aaminsanin iney jiraan tallaal ay waddama kale soo saareen oo uu waddankeenna ku tirsanaan karo oo ay tallaal ahaan noogu keeni karaan" ayuu yiri Dr Fauci mar uu sharci dajinta dalka Mareykanka la hadlayey.

Tijaabooyinka ugu muhiimsan ee tallaalka coronavirus oo ka badan 20 ayaa haatan maraya heer tijaabo.

Wakaaladda wararka Interfax oo soo xigatay Mr Murashko, waxay sheegtay Machadka Gamelaya oo ku taalla magaalada Moscow, iney soo gabagabeysay tijaabadi ay tallaalkaasi ku sameyneysay waxaana la diyaariyey qoraallada sharciga ee loo baahnaa si tallaalkaasi loo diiwaangeliyo.

"Waxaan qorsheyneynaa olole tallaal oo ballaaran inaan fulinno bisha Oktobar," ayuu yiri. Wxuuna intaasi ku daray tallaalka ugu horreeya in la siinayo Macallimiinta iyo Dhakhaatiirta.

Bishii la soo dhaafay, saaynisyahannada dalka Ruushka waxay sheegeen tijaabadi ugu horreysay tallaalka loo sameeyey ka hortagga coronavirus ee uu soo saartay machadka in la dhammeystiray natiijadana ay muujineyso in si buuxda looga guuleystay.

 

XIGASHADA SAWIRKA,EPA

Qoraalka sawirka,

15-kii July Saynisyahannada Ruushka waxay shaaciyeen tijaabadi ugu horreysay tallaalka loo sameeyey ka hortagga coronavirus ee uu soo saartay machadka in la dhammeystiray natiijadana ay muujineyso in si buuxda looga guuleystay.

Bishi hore hay'adaha sirdoonka Ingiriiska, Mareykanka iyo Canada waxay sheegeen kooxa xogaha jabsada oo ku sugan dalkaasi Ruushka iney bartilmaameedsadeen hay'adaha ku howlan soo saarista tallaalka Covid-19, iyaga oo inta badan isku dayay iney macluumaadka xadaan.

Xaruunta ammaanka interneetka qaranka ee UK (NCSC) waxay sheegtay 95% kooxaha loogu magac daray APT29 loona yaqaanno Dukes ama Cozy Bear iney ka tirsan yihiin hay'adda sirdoonka Ruushka.

Danjiraha Ruushka u fadhiya UK, Andrei Kelin, ayaa ku gacan seydhay eeddaasi, isaga oo BBC u sheegay "iney wax micna ah ku fadhiyin."

Dalka Britain tijaabada tallaaka ay soo saartay jaamacadda Oxford waxaa lagu ogaaday iney awoodda difaaca jirka aad u soo celineyso iyada oo heshiis lala saxeexday shirkadda AstraZeneca si ay u diyaariso dawo gaareysa 100 milyan oo gudaha Britin laga isticmaalo