Dowladda Soomaaliya oo maanta dalka kusoo celisay muwaadiin ku xirnaa dalka Iiran

0
Sunday August 02, 2020 - 17:40:50 in by salman abdi
  • Visits: 440
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo maanta dalka kusoo celisay muwaadiin ku xirnaa dalka Iiran

    Dowladda Soomaaliya oo maanta dalka kusoo celisay muwaadiin ku xirnaa dalka Iiran

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya oo maanta dalka kusoo celisay muwaadiin ku xirnaa dalka Iiran Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay dalka dib ugu soo celiso muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xirnaa Dalka Iran kuwaasi oo maanta gaaray magaalada Muqdisho.


Muwaadiniintaan oo maanta saxaafada kula hadlay garoonka Aadan Cadde waxay sheegeen inay dhowr billood ku xayirnaayeen dalka Iiraan markii xabsiyada lagasoo siidaayay, sababo la xiriirta covid19.

Waxay muddo sanad iyo ka badan ku xirnaayeen dalka Iiraan, hase yeeshee dadaal dheer oo ay dowladda federalka sameysay ayaa lagu guulaystay in ay dib  u helaan xoriyadooda.

Waxay sheegeen inay ku faraxsan yihiin inay kusoo laabtaan ciidooda ayna dareemayaan in isbedel dowladdeed oo ka duwan markii ay dalka ka tagayeen.

Muwaadiniintan waxay qeyb ka yihiin kuwo badan oo dalka dib loogusoo celiyay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.