Halkan Ka Akhriso Wargeysyada Ka Soo Baxa Hargeysa Oo Aad U Qaadadhigay Guddoomiyaha UCID Oo Cadaystay Inuu Danjire u Yahay Cadowga Somaliland

0
Wednesday February 05, 2014 - 18:18:11 in by Super Admin
  • Visits: 1237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkan Ka Akhriso Wargeysyada Ka Soo Baxa Hargeysa Oo Aad U Qaadadhigay Guddoomiyaha UCID Oo Cadaystay Inuu Danjire u Yahay Cadowga Somaliland

    Halkan Ka Akhriso Wargeysyada Ka Soo Baxa Hargeysa Oo Aad U Qaadadhigay Guddoomiyaha UCID Oo Cadaystay Inuu Danjire u Yahay Cadowga Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halkan Ka Akhriso Wargeysyada Ka Soo Baxa Hargeysa Oo Aad U Qaadadhigay Guddoomiyaha UCID Oo Cadaystay Inuu Danjire u Yahay Cadowga Somaliland

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa cadaystay in uu dawlada Soomaaliya la leeyahay xidhiidh ku dhisan basaasnimo iyo duminta qarannimada Somaliland ka dib markii uu Isniintii Todobaadkan si badheedha ah u taageerray Telefishanka UNIVERSAL ee laga leeyahay dalka Soomaaliya oo maalmihii u dambeeyey u baahinayey si bilaa xishood ah barnaamijyo ka dhan ah madaxbanaanida iyo qaranimada Somaliland iyo jiritaankeeda ba.

Waxaanu Telefishinkaasi ugu tallo-galay in uu ku wiiqo Somaliland iyo jiritaankeedaba. Ka bacdina ay xukuumada Somaliland dalkeeda ka mamnuucday Telefishinkaas oo ay u aragtay cadow ku soo duulay dalkeeda iyo madax banaanidiisa.Hase ahaatee waxaa tallaabada ay xukuumadu ka qaaday Telefishinka Universal oo ahayd mid shacbi weynaha reer Somaliland dhamaantoodba ku diirsadeen, isagu ku kaliyaystay go’aankan Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo noqday tuul cadowgu u adeegsado baro-bagaandooyinka ka dhanka ah Somaliland.

Go’aankani waxa uu ka dhashay markii uu siyaasad joogto ah uu Telefishankaasi ka dhigtay xaqiraada iyo xasidka qaranimadda Somaliland oo uu baahiyay dacaayado ihaanooyin ku ah madaxda qaranka oo uu karaamadooda meel ugaga dhacay si anshaxa saxaafadda ka baxsan. Barnaamijkan Faysal taageeray oo UNIVERSAL ka baxay saddex habeen ka hor, waxaana loogu yeedhay Barnaamij loogu tallo-galay midaynta Soomaaliya, kaasi oo ay ugu magac-dareen faaliyaha Qaranka, waxaanu ahaa mid ka baxsan milgaha warbaahinta oo suuqdi ah.

shacbiga Somaliland guddo iyo dibad-ba ayaa ku baraarugay nacaybka Tv-gaasi u hayo qaranimadooda, waxaanay u arkeen in Telefishankaasi noqday far dheeraatay iyo Caroog ay Soomaaliya u addeegsanayso inay ku mijo-xaabiso qaranimadda Somaliland ee dadkiisu sida naf-hurka ah u ilaashanayo. Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa isagu tallaabadda lagu xayiray Telefishankaasi ka dhigtay jaanis uu iskaga dhiso isla markaana uu magac kaga raadsado Soomaaliya, ka dibna waxa uu shir jaraa’id oo uu ku cambaareynayo xayiraada TV-ga UNIVERSAL uu ku qabtay xafiiskiisa Hargeysa saacad ka dib markii uu soo baxay ammarka xukuumaddu dalka kaga mamnuucday Telefishankaas. Faysal waxa uu u hadlay qaab karaamadiisa bahdilaysa oo ka tujumaysa sida aanu rajo dambe uga qabin Somaliland iyo shacbigeeda oo uu ka dhigan yahay "Nin Qoyani Biyo Iskama dhawro”

maadaama oo uu laba xili doorasho oo uu u tartamay Madaxtinimadda dalkan ay shacbigu ku aamini waayeen inay codkooda ugu cugtaan Mansabka Madaxweynenimo. Guddoomiye Faysal, waxa uu hadalkiisu ahaa farriin siyaasadeed oo uu magac kaga doonayo dawladda Soomaaliya ee uu xidhiidhka la leeyahay iyo shacbigeeda, waxa uu sheegay in aanay Somaliland waxba ka jirin isla markaana uu ka dhici doono dagaal sokeeye. "Xayirrada UNIVERSAL waxay adduunka tusaysaa qaab xumada dalka ka taagan, aad iyo aad ayaanu ugu faraxnay in adduunku nala ogaado in aan meeshan (Somaliland) hogaamini jirin ee aanu qalalaase ku jirno, oo qofba waxa uu doonayo uu samaynayo, Arrintan TV-ga UNIVERSAL lagu qabsaday waxay la mid tahay tii kacaankii Siyaad Barre ee ahayd ku qosle kabtan kufay, waxaana wadanka ka muuqata in awoodii u gacan gashay dad aan lahayn dul-qaad iyo xilkasnimo. dhirbaaxadaa xun ee ku dhacday TV-ga UNIVERSAL waanu cambaaraynaynaa. TV-ga Universal iyo janaladda kaleba waanu u han-weynahay, waxaananu leenahay xukuumadda waxaa warbaahinta madax-banaan cabudhin kari waayay ama joojin kari waayay dawladihii ka waaweynaa ee keli-taliyeyaasha ahaa, marka loo eego halka uu maanta tignoolajigu marayo,”ayuu ku tiraabay Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Isagoo hadalkiisa sii watayna wuxuu TV-gaas ku dhiiri-geliyay inay sii wadaan barnaamijyada lagu weerarayo qadiyada Somaliland waxaanu yidhi "UNIVERSAL wuu shaqayn doonaa, sidiisii ayuu u shaqayn doonaa, waanan daawan doonaa, Dadka xamili waayay majaajilo madadaalo ah miyuu dhaliil sax ah oo la sheegayo xamili karaa?. Waanan idinka tacsiyadaynayaa arrintaasi, waanaynu shaqaynaynaa, runtana waynu sheegaynaa.”

Hadalka Guddoomiyaha UCID waxa isaguna ku ayiday Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo isaguna cod dheer ku cambaareeyay xayiraada Telefishanka UNIVERSAL lagaga mamnuucay inuu ka dhex shaqeeyo gudaha ciidda Somaliland, waxaanu u muuqdaa inuu ka rajo dhigay riyadiisii la xidhiidhay inuu ummadda Somaliland weydiisto inay Madaxweyne u doortaan. Dhawaaqa Hoggaanka xisbiga UCID waxa uu noqday Fadeexad ka turjumayso dhoy la’aanta iyo ajende xumadda xisbigaasi hadhaysay, waxaa 48-kii saacadood ee la soo dhaafay shacbiga Somaliland goobaha bar-kulanka buslashada ku faaqidayeen asbaabaha xisbiga UCID ku aj-buray inay u badheedhaan inay Taageeraan Telefishankan Somaliland ummadnimadeeda iyo qaranimadeedaba ula badheedhay dagaalka qaawan.

Waxa ra’yul caamka bulshaddu ka midaysnaayeen inay u qaadan waa u arkaan hadalka ujeedo badanka laga leeyahay ee Hoggaanka UCID kaga dareen celiyay xayirraada UNIVERSAL.

Waxa dadka fikiradan qabay ay ku doodayeen inuu ahaa hadal is muujin ah oo Dawladda Soomaaliya ay ugu bandhigayeen inay gudaha Somaliland joogaan siyaasiyiin iyo xisbiyo siyaasadeed oo cabsan wax ka duwan aragtida shacbiga Somaliland ee la xidhiidha madax-banaanida qaranimadooda. Guddoomiyaha UCID waxa hore looga reebay ergadii Somaliland u qaabilsanayd wada hadaladda Soomaaliya, ka dib markii si lama filaan ah ay u soo baxeen xaqiiqooyin daaha ka qaaday xidhiidhka jiridaystay ee uu la leeyahay Soomaaliya. Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa Isniintii ku dhawaaqay in Somaliland ay gabi ahaan-ba ruqsadii kala noqotay Muuq-baahiyaha UNIVERSAL oo laga leeyahay dalka Soomaaliya, ka dib markii si taxanne ah uu uga waan-toobi waayay inuu joojiyo aflagaadada uu ku hayo qarranimadda Somaliland.

Xigasho wargayska dawan.