Naadiga Halkaraan oo xalay madal loogu magac daray Habeenka HALKARAAN IYO HAL ABUURKA HIR GALAY ku casuumay Abwaan yaxye yeebaash.

0
Saturday March 08, 2014 - 20:08:35 in by Super Admin
  • Visits: 2567
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Naadiga Halkaraan oo xalay madal loogu magac daray Habeenka HALKARAAN IYO HAL ABUURKA HIR GALAY ku casuumay Abwaan yaxye yeebaash.

    Abwan yaxye cabdi cali yeebaash ayaa markii lagu soo dhoweeyey mikirifoonka sacab ku Is qabsady islamarkaasna la tusay sida dhalinayrada gobolka togdheer u so dhoweeyaan dhalinyarda ka yimada gobolada kale,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abwan yaxye cabdi cali yeebaash ayaa markii lagu soo dhoweeyey mikirifoonka sacab ku Is qabsady islamarkaasna la tusay sida dhalinayrada gobolka togdheer u so dhoweeyaan dhalinyarda ka yimada gobolada kale,

Naadiga Halkaraan oo xalay madal loogu magac daray Habeenka HALKARAAN IYO HAL ABUURKA HIR GALAY ku casuumay Abwaan yaxye yeebaash.

Munaasibadan oo ahayd munaasibad balaadhan oo ay kasoo qayb galeen xooghayaha gobolka togdheer Cabdiraxmaan aadan ibraahin iyo ku xigeenka duqa degmada burco Muxumed xasan jaamac xoday, Xildhibaan Cabdi laki xasan nur, xildhibaan mubaarig yuusuf cilmi bidhi, xildhiban shine falliidh, iyo maamulaha madaarka burco Cabdirisaaq Siciid, ayaa  ka dhacday hotel golis ee magaalada burco ayaa waxay ahayd mid lagu soo dhoweynayey laguna soo bandhigayey suugaanta abwaanka da'da yar ee yaxye cabdi cali yeebaash

Ugu horeyn waxa munasibadda ka hadashay sahra maxamed cali oo ka mida masuliyiinta naadiga halkaaraan ee magaalada burco, waxayna sheegtay in gobol ahaan iyo halkaraan ahaan iyo dhalinyaro ahaanba ay soo dhoweynayaan abwaanka da’da yare ee caawa martida u ah bay tidhi gobolka togdheer ee yaxye abdi ali yeebash, waxay sidoo kale xog ka bixisay taariikhda iyo maraaxilkii naadiga halkaraan, iyadoo xustay in ay dhalinyarada ku dhiirigeliyaan hal abuurnimadooda, dhinaca qoraalka iyo suugaanta, isla markaasna naadigu martiqaadu sameeyo hadba ciddii dhalinyaro ah ee bulshada wax ku soo kordhin karta.

 

xooghayaha gobolka togdheer cabdiraxmaan aadan ibraahin oo ka wakiil ahaa badhasabka gobolka togdheer ayaa isna munasibadda furay islamarkaasna u mahad celiyey dadkii munasibadda kasoo qayb galay waxa uu xooghayuhu sheegay inuu wakiil u yahay badhasaabka gobolka togdheer maxamed muuse diiriye isla markaan sheegay inuu gacmo furan ku qaabili doona abwaankan da’da yar, wuxu qirey in abwaan yaxye yeebaash suugaantiisu soo gaadhay, balse aanu muuqiisa hore u arag, wuxu sheegay inuu aad usoo dhawayn doono maadaamu yahay dhalinyaro isla markaana soo dhawayntiisa maamul gobol ahaan qayb ka noqon dooonan.



abwaan cali dhanaaniye oo ka mida hal abuurada da’da yar ee gobolka togdheer ayaa isna madasha ka jeeriyey taariikhda abwan yaxye yeebaash, waxanu wax badan ka sheekeeyey dabeecadaha gaarka ah ee abwaanka iyo habdhaqankiisa, isago xusay inu wax badan kaga duwan yahay dhalinyarada wakhtigan .

 

Abwan yaxye cabdi cali yeebaash  ayaa markii lagu soo dhoweeyey mikirifoonka sacab ku Is qabsady islamarkaasna la tusay sida dhalinayrada gobolka togdheer u so dhoweeyaan dhalinyarda ka yimada gobolada kale, waxana halkaasi abwaanku ka jeediye maansooyin tiro badan iyo heeso mid ba mid ka layaab badnayd, kuwaso illaamaanta hadalhayntooda qaar ka mid ahi magaalada ku jireen.

Abwaanku wuxu u mahadnaqay dhamman dadkii isku hawlahay munasibadda qiimaha lahayd ee loo sameeyey taaso uu sheegay in isaga iyo dhalinyarta hal abuurka ah ee la midka ah ba ay dhiirigelin fiican u tahay, habeenkanina noqon doono habeen ku qorma kuna biira wakhtiyada gaarka ah ee xusuusta ku reebay qalbigiisa.

 

Oday cabdi hawd oo ka mida odayaasha reer burco oo ahna qurbo joogta gobolka isla markaana dhalinyarada u sheegay inaanay ka tahriibin dalka iyo dhalinyarada waxana uu dhalinyaradii ka waaniyey saddex xaraf oo ka mida waxyaalaha dib u dhaca ku keena dhalinta oo u ku sheegay qaadka, qabyaaladda iyo qaradka

 

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay ibraahin cabdi xirsi oo ka mid ah hal abuurka gobalka, xildhiban bidhi, xildhiban cabdi laki iyo mamulha madaarka burco abdirisaq siciid dhammaantood

Waxay amaan iyo soo dhawayn kusoo dhaweeyeen kuna bogaadiyen kaalintii sugaaneen abwaanka da’da yar ee munaasibadani loo sameeyey abwaan  yaxye yeebaash.

 

Ugu dambayntii waxa munaasibaadaasi soo gabo gabeeyey maayarxigenka degmada burco muxumed xasan jaamac xoday oo isna si kal iyo laab ah uga bogaadiyey hal abuurada  da’da yar  ee meesha iskugu timid, intaasi kadib gudoomiye kuxigeenka degmadu waxaa u amaan balaadhan halkan uga diray Naadiga halkaraan ee munaasibadan isla markaana u balan qaaday inuu dhawaan u furi doonaan Library dhowr jeer dawlad hoose ahaan u ballanqaadeen naadiga, kaasoo wax weyn ka tari doona wax akhriska iyo qoraalka uu naadigu dhiirigelinayo.

 

Kadib markii munaasibada khudbadihii goobtaasi soo dhamaadeen waxaa halkaasi la iska weydiiyey su’aalo dhawr ah oo isla markaana dadweynihii goobtaasi yimid la weydiiyey dhalintii kuna guulaysteen abaalmarino buugaag ah. Iyado sido kalena shahaado shaaraf lagu guddoonsiiye abwaan yaxye yeebaash.

 

 





Afkashacabka.com

Burco /Office

Contact@afkashacabka.com