Dowladda Ingriiska "Soomaalida oo keliya ayaa iska leh go'aanka doorashooyinka dalkooda"
Hadalkaan ayaa waxa uu jeediyay markii uu ka soo laabtay dalkiisa.
Dhowr bilood ayaa ka haray doorashooyinka dalka , gaar ahaan Baarlamanka iyo tan madaxweynaha oo la qorsheynayo in la qabto 8-da, bisha February, sanadka 2021-ka. Hase-ahaatee xisbiyada mucaaradka iyo madaxda maamul goboleedyada qaar ayaa dowladda ku qasbaya iney la qaadato nooc doorasho, si looga fogaado muddo kororsi.
Guddiga doorashada ayaa horay u codsaday 70 milyan oo dollar, si loo qabto doorasho dadweyne, taas oo ka bedalan tii dhacday dhammaadkii 2016-kii iyo billowgii 2017-dii, oo la aaminsanyahay in musuq maasuq badan uu hareeyay.
DanjirahadalkaIngriiskaee Soomaaliya Fender ayaa waxa uu sheegay iney kusoo noq-noqdeen su’aalaha la xiriira halka dowladdiisa ay ka taagantahay doorashooyinka Soomaaliya, hase-ahaatee ay jawaabtu tahay in go’aanku ay Soomaalidu leeyihiin.
Dhinaca kale waxa uu ugu baaqay dhammaan dhinacyada Soomaalida, iney ka dhabeeyaan fulinta ballamihii shirkii ka dhacay Dhuusamareeb.
Hadalka safiirka UK ee Soomaaliya ayaa yimid xilli si weyn indhaha loogu hayay aragtida beesha caalamka ee xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, xilli dalka uu hadda galay marxalad kala guur ah.
Dowladda Ingriiska "Soomaalida oo keliya ayaa iska leh go'aanka doorashooyinka dalkooda"
Dowladda Ingriiska "Soomaalida oo keliya ayaa iska leh go'aanka doorashooyinka dalkooda"