Madaxweynihii Maamulka Puntland Oo Gobolka Sool Soo Galay Iyo Beelaha Dhulbahante Oo Soo Dhaweeyay

0
Wednesday August 05, 2020 - 13:38:00 in by salman abdi
  • Visits: 414
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii Maamulka Puntland Oo Gobolka Sool Soo Galay Iyo Beelaha Dhulbahante Oo Soo Dhaweeyay

    Madaxweynihii Maamulka Puntland Oo Gobolka Sool Soo Galay Iyo Beelaha Dhulbahante Oo Soo Dhaweeyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii Maamulka Puntland Oo Gobolka Sool Soo Galay Iyo Beelaha Dhulbahante Oo Soo Dhaweeyay
Madaxweynaha Dowlad Gobleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay Degmada Saaxo ee gobolka Mudug.
Waa Madaxweynihii ugu horeeyay Dowladd goboleedka Puntland ee booqda degmada Saaxo, dadweynaha ayaa siweyn usoo dhoweeyay booqashada Madaxweynaha

 

Sidoo kale  Gelinkii dambe ee Maalintii shalay  Degmada Saax-dheer ka furmay Shir-nabadeed u dhexeeya Beelaha Walaalaha ah ee Hagar iyo Hayaag ee Dhulbahante.







 

Labada Beelood oo uu Gogol nabadeed u dhigay Garaadka guud ee Beelaha Sool, Sanaag Iyo Buuhoodle Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa la doonayaa in lagu soo afjaro Colaad muddo soo jiitamaysay ee u dhaxaysey labada beelood ee Walaalaha ah, kuwaasi oo horraantii bishii dhamaatay ee July uu dagaal khasaare sababay ku dhex maray degmada Horufadhi.

Shirka Nabadeed ee ka furmay Saax-dheer ayaa waxa ka qayb-galay Odayaasha iyo Waxbaradka Labada Beelood ee la heshiisiinayo iyo Tobannaan Madax-dhaqameed ah oo ka socda Gobollada kale ee dalka, hase ahaatee Madaxweynaha maamulka puntland Mr Siciid Deni ayaa isagu wata qorshe kale oo siyaasadeed oo ku aadan labadan beelood iyo deegaanada ay ku nool yihiin.