Turkey oo Dib u Dhiseysa Dekedda uu Qaraxu Burburiyay ee Beirut

0
Sunday August 09, 2020 - 09:03:44 in by salman abdi
  • Visits: 290
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkey oo Dib u Dhiseysa Dekedda uu Qaraxu Burburiyay ee Beirut

    Turkey oo Dib u Dhiseysa Dekedda uu Qaraxu Burburiyay ee Beirut

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Turkey oo Dib u Dhiseysa Dekedda uu Qaraxu Burburiyay ee Beirut Madaxweyne ku xigeenka Turkiga Fuat Oktay ayaa hadal uu jeediyey ka dib kulan uu la qaatay Madaxweynaha Lubnaan Michel Aoun waxa uu sheegay in wadankiisu uu diyaar u yahay in uu gacan ka geysto dib u dhiska dekadda Beirut.

Dekadda Mersin ee Turkiga, ee ku taal badda Mediterranean ayuu sidoo kale sheegay in ay diyaar u tahay in ay Lubnaan ka caawiso adeegyada kastam-ka iyo keydinta shixnadaha waaweyn illaa Dekadda Beirut dib loo dhiso. "Waxaan u sheegnay in badeecadaha looga soo daabuli karo Mersin ilaa Lubnaan maraakiib yar yar iyo qaabab kale oo gaadiid ah,” ayuu yiri. Oktay waxa kale oo uu hadalkiisa ku xusay in diyaarada ambalaasyada ah ee Turkigu ay dadka dhaawacyada ah u qaadi karaan Turkiga si halkaasi loogu soo daweeyo. Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa u diray Lubnaan koox caafimaad, saanad iyo sidoo kale koox howlaha baadi goobka iyo badbaadinta gacan ka geysata. Dhanka kale, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Aboul Gheit ayaa Sabtida maanta ah sheegay in uu doonayo in uu abaabulo dadaallada wadamada Carabta ee taageero la siiyo dalka Lubnaan ka dib qarixii musiibada ahaa ee todobaadkan ka dhacay magaalada Beirut oo burburiyey qaybo ka mid ah caasimadda. Isaga oo lahadlayay suxufiyiinta kadib kulan uu la qaatay Madaxweynaha Lubnaan Michel Aoun ayuu Aboul Gheit sidoo kale sheegay in Jaamacadda Carabta oo fadhigeedu yahay magaalada Qaahira, kulmisana dalalka Carabta ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato baaritaanka sababta dhalisay qaraxan. "Waxaan diyaar u nahay in aan kaalmayno wixii awoodeenna ah,” ayuu yiri, isagoo intaa raa

baaqay Faransiiska oo maalinta Axadda ee berri looga hadlayo gargaar loo fidiyo dalka Lubnaan. Qaraxa waxaa ku dhintay in ka badan 150 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 5,000 oo kale, halka ilaa 250,000 qofna uu dhigay guryo la'aan. Qaraxyada ayaa ka dhacay bakhaar ku yaal dekedda oo ay ku keydsanaayeen 2,750 ton oo ah maaddada ammonium nitrate ee loo adeegsado bacriminta iyo walxaha qarxa. Musiibada ayaa dhacday waqti ay Lubnaan la halgameyso dhibaato baahsan oo dhaqaalo xumo ah. Dowladaha Khaliijka Carabta ee hodanka ku ah saliidda, kuwaasi oo muddo dheer gacan siin jiray si ay u kabaan dhaqaalaha liita ee Lubnaan ayaa muddooyinkii danbe ka gaabsaday in ay bixiyaan kaalmada maaliyadeed, iyagoo ka cabsi qaba saameynta sii kordheysa ee kooxda Xisbullah, oo ah koox awood badan oo taageera ka hesha dalka Iran.