Seddex Meelood Oo Ay Ku Kala Badin Karaan Kooxaha Real Madrid Iyo Liverpool Caawa.

0
Tuesday November 04, 2014 - 17:04:52 in by Burco Office
  • Visits: 1031
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Seddex Meelood Oo Ay Ku Kala Badin Karaan Kooxaha Real Madrid Iyo Liverpool Caawa.

    Liverpool ayaa caawa marti ku ah garoonka Santiago Bernabeu kulanka afaraad ee wareega group-yada Champions League iyagoo wajahaya kooxda difaacaneysa koobkaan ee Real Madrid.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liverpool ayaa caawa marti ku ah garoonka Santiago Bernabeu kulanka afaraad ee wareega group-yada Champions League iyagoo wajahaya kooxda difaacaneysa koobkaan ee Real Madrid.


Liverpool-FC-v-Real-Madrid-CF-UEFA-Champions-League


Waxaan eegi doonaa seddex meelood oo ay ku kala badin karaan labada kooxood caawa.

PEPE v MARIO BALOTELLI

Waxa kaliya ee aan ka ogaanay iska horimaadkoodii kulankii hore ee Anfield ayaa aheyd inay maaliyadaha isweydaarsadeen waqtigii nasashada taasoo ka careysiisay jamaahiirta Liverpool. Balotelli ayaan wax muuqda sameynin 45tii daqiiqo ee uu garoonka ku jiray, waxaana ay u badan tahay inay mar kale ku adkaan doonta isagoo ka horimaanaya Pepe oo ka garab ciyaaraya Sergio Ramos oo taam soo noqday.

TONI KROOS v JORDAN HENDERSON

Kroos ayaa ahaa injineerkii ciyaartii labo isbuuc ka hor iyadoo Real Madrid ay heysatay khadka dhexe, waxaana la filan karaa si la mid ah madaama ay joogaan garoonkooda, sidaasi darteed Henderson ayaa u baahan in tamartiisa oo dhan uu isagu geeyo inuu raacashada badiyo taasoo muhim u noqon karta inuu yareeyo kubad isku dhiibka Los Blancos.

KARIM BENZEMA v DEJAN LOVREN

Weeraryahanka reer France ayaa dhaliyay labo gool kulankii ay 3-0 ku badiyeen labo isbuuc ka hor, isagoo ka faa’ideystay tabardarida ay Liverpool ka muujisay kubada madaxa ah. Ciladaasna weli Liverpool xal uma helin iyadoo Lovren uusan weli soo bandhigi hogaaminta daafac ee uu ka doonayo Brendan Rodgers, inkastoo xagaagii laga soo bixiyay 20 milyan ginni.

Contact@afkashacabka.com