Wahada Hadaladii dalka Mali oo natiijo la'aan ku soo dhamaaday+Xaalada Oo Cakiran.

0
Tuesday August 25, 2020 - 08:40:10 in by salman abdi
  • Visits: 456
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wahada Hadaladii dalka Mali oo natiijo la'aan ku soo dhamaaday+Xaalada Oo Cakiran.

    Wahada Hadaladii dalka Mali oo natiijo la'aan ku soo dhamaaday+Xaalada Oo Cakiran.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wahada Hadaladii dalka Mali oo natiijo la'aan ku soo dhamaaday+Xaalada Oo Cakiran.

Wadahadaladii dalka Mali ee looga gol lahaa xal u helidda ismariwaaga siyaasadeed ayaa ku soo dhamaaday natiijo la'aan.

Hogaamiyayaasha galbeedka afrika ee wadahadalada kula jira militariga dalkaasi la wareegay ayaa waxay ku baaqayeen in dib xukunka loogu soo celiyo madaxwaynihii xukunka laga tuuray Ibrahim Boubacar Keïta.

Balse wararka ayaa imika sheegaya in, Ibrahim Boubacar Keïta, uu sheegay in uusan doonayn in xukunka uu dib ugu soo laabto.

Afhayeen u hadlay militariga Col Ismael Wague ayaa dhankiisa u sheegay wakaalada wararka Reuters in go'aanka ugu dambeeya ee mustaqbalka dalkaasi ay iska leeyihiin dadka reer Mali.

Mr Keïta ayaa waxa afgembiga ka hor wajahayay dibadbaxyo looga soo horjeedo xukunkiisa oo ay shacabka qaar ku eedeeyeen musuqmaasuq.

Shacabka ayaa si wayn u soo dhaweyay tallaabada ay xukunka kula wareegeen militariga dalka Mali.

Kooxda wadaxaajoodka ayaa waxaa hogaaminaya madaxwaynihii hore ee dalka Nigeria Goodluck Jonathan.

Shacabka oo u dabaaldagaya afgembiga Militariga
Qoraalka sawirka,

Shacabka oo u dabaaldagaya afgembiga Militariga

Mr Jonathan ayaa Axaddii sheegay: "waxaan gaarnay tiro heshiisyo ah, balse heshiis kama gaarin dhammaan arrimaha ."

Ururka midowga Afrika ayaa waxay horey dalka Mali uga joojiyeen xubinnimadii ururkaasi, iyaga oo ku baaqay in militariga ay xukunka dib ugu celiyaan dowladdii rayidka ahayd.

Mr Keïta ayaa ku guuleystay muddo xileed labaad doorashadii 2018, balse tan iyo bishii June waxaa uu wajahayay dibadbaxyo ballaaran oo ay dadku ka cabanaayeen musuqmaasuq iyo wax-isdabamarin .

Ciidamada dalkaasi ayaa dhankooda ka careysnaa mushaaraadka iyo dagaalka ka socda waqooyiga Mali ee lagula jiro kooxaha mintidiinta.

Waxaa dagaaladaasi lagu dilay ciidamo badan oo militariga dalkaasi Mali ka tirsan.