Puntland iyo Jubbaland oo maanta shir uga furmayo magaalada Garowe

0
Tuesday August 25, 2020 - 12:32:57 in by salman abdi
  • Visits: 311
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland iyo Jubbaland oo maanta shir uga furmayo magaalada Garowe

    Puntland iyo Jubbaland oo maanta shir uga furmayo magaalada Garowe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Puntland iyo Jubbaland oo maanta shir uga furmayo magaalada Garowe Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa maanta shir gaar ah uga furmayaa magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, halkaas oo shalay Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayay ay socdaal ku tageen.

 
 
Madaxweynaha Jubbaland waxaa safarkiisa ku wehlinaya xubno katirsan maamulkiisa iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ahaa ee uu heshiiska la galay, kuwaas oo qeyb ka ahaandoona heshiiska Puntland iyo Jubbaland.

Labada madaxweyne waxay ka gaabsadeen inay saxaafada la hadlaan, balse afhayeenka madaxtooyada ayaa saxaafada si kooban ugu sheegay inuu jiridoono kulan ballaaran oo madaxdu ka yeelandoono arrimaha Soomaaliya.

Puntland iyo Jubbaland ayaa ah labada maamul ee ka maqanaa heshiiska Doorasho ee Dhuusomareeb lagu gaaray bishaan, waxayna qoraalo ay soo saareen kagasoo horjeesteen heshiiskaas iyagoo ku tilmaamay mid ku eg dhinacyadii gaaray.