Madaxweyne Biixi Oo Hadallo Cadho Leh Kaga Jawaabay Qado Sharaftii Dhawaan Loo Sameeyay Maxamuud Xaashi Iyo Kooxdiisa.

0
Thursday September 03, 2020 - 10:00:23 in by salman abdi
  • Visits: 598
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Biixi Oo Hadallo Cadho Leh Kaga Jawaabay Qado Sharaftii Dhawaan Loo Sameeyay Maxamuud Xaashi Iyo Kooxdiisa.

    Madaxweyne Biixi Oo Hadallo Cadho Leh Kaga Jawaabay Qado Sharaftii Dhawaan Loo Sameeyay Maxamuud Xaashi Iyo Kooxdiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Biixi Oo Hadallo Cadho Leh Kaga Jawaabay Qado Sharaftii Dhawaan Loo Sameeyay Maxamuud Xaashi Iyo Kooxdiisa.

Madaxweynaha Somaliland ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa dareen cadho leh ka muujiyay qado sharaf uu dhawaan safiir Baashe Cawil Cumar u sameeyay kaadiriin ka tirsan xisbi xaakimka KULMIYE iyo xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo.


Kulankaasi oo uu abaabulkiisa lahaa safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Ampasador Baashe Cawil ayaa lagu sheegay in loogu sii gogol xaadhayay sidii uu shirweynaha KULMIYE ugu qabsoomi lahaa midnimo iyo in Madaxweyne Biixi looga tanaasulo doorka guddoomiyenimada KULMIYE iyo Murrashaxnimada madaxweynaha.




Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay shabakadda wararka ee Karin News ka heshay mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga KULMIYE ayaa waxa ay sheegayaan in madaxweyne Muuse Biixi uu si weyn uga cadhooday tallaabada uu qaaday safiir Baashe Cawil.


Baashe Morgan Oo ku Biiray Loolanka Loogu Jiro Kursiga Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye. – Awdalmedia

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ku canaantay Safiir Baashe Cawil in kulan noocan ah uu qabto isaga oo aan la soo socodsiinin, waxaanu u sheegay in xisbiga KULMIYE loogu tartami doono si furan marka la gaadho wakhtiga loo muddeeyay.


Ugu dambayntii Safiir Baashe Cawil ayaa la sheegay in uu Madaxweyne Biixi ka raali-geliyay tallaabadan uu ku kacay waxaanu u sheegay in hawlaha xisbiga uu uga dambayn doono hoggaanka sare ee xisbiga.