Gabadhii ugu horreysay oo ku guuleysata abaalmarinta hal-abuurka teknolojiyadda Afrika
Gabar ku shaqeysata teknolojiyadda una dhalatay dalka Ghana oo lagu magacaabo Charlette N’Guessan, ayaa sanadkan ku guuleysatay abaalmarinta hal-abuurka injineeriyadda ee Royal Academy of Engineering Africa.
Waa haweeneydii ugu horreysay abid ee ku guuleysata abaalmarintan Afrika, iyo dalka Ghana.
Gabadhan oo 26-sano-jir ah ayaa waxay maamushaa Bace API, oo isticmaasha aqoonsashada wejiga iyo teknolojiyadda macmalka ah si loo xaqiijiyo aqoonsiga dadka ku nool meelaha miyiga ah.
Waxay isticmaashaa sawirro toos ah ama muuqaallo gaagaab oo lagu qaaday kaamirada telefoonka si loo ogaado haddii sawirku uu yahay qof dhab ah amaba sawir laga qaaday sawir kale oo hore.
Waxaa loogu talogalay machadyada ku tiirsan xaqiijinta aqoonsiyada. Labo machad oo dhaqaalaha ah ayaa haatan adeeggaas si ay u xaqiijiyaan aqoonsiga macaamiishooda, sida uu machadku sheegay.
Ms N’Guessan ayaa ku guuleysatay abaalmarin lacageed oo dhan £25,000 ($33,000).
Saddex qof oo kale ayaa helaya abaalmarin dhan £10,000 ($13,000).
Gabadhii ugu horreysay oo ku guuleysata abaalmarinta hal-abuurka teknolojiyadda Afrika
Gabadhii ugu horreysay oo ku guuleysata abaalmarinta hal-abuurka teknolojiyadda Afrika