Maxay ka wadahadleen madaxda Xamaas iyo Xisbullaah?

0
Monday September 07, 2020 - 09:23:11 in by salman abdi
  • Visits: 356
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay ka wadahadleen madaxda Xamaas iyo Xisbullaah?

    Maxay ka wadahadleen madaxda Xamaas iyo Xisbullaah?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay ka wadahadleen madaxda Xamaas iyo Xisbullaah?

Hogaamiyeyaasha dhaq-dhaqaaqa Xisbullaah iyo ururka Xamaas ayaa kulmay si ay uga wada xaajoodaan caadiyaynta xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee ay lahaayeen Israa'iil iyo qaar ka mid wadammada Carabta.

Hogaamiyaha ugu sarreeya Xamaas Ismail Haniya ayaa si diirran loogu soo dhawqeeyay Ain al-Helweh, oo ah xerada qaxootiga ee ay ku noolyihiin falastiniyiinta ugu badan dalkaasi Lubnaan.

Booqashadan Haniya ayaa noqoneysa booqashadii ugu horreeysay ku dhowaad muddo 30 sanno ah, waxaana markii uu imanayay Ain al-Helweh ilaalinayay xubo ka tirsan Xamaas iyo ilaalada Xerada.

Markii uu gaaray xerada waxaa ku soo dhaweeyay oo u sacaba tumayay falastiiniyiinta ku nool xerada Ain al-Helweh iyo shacabka kale oo ka yimi xerooyinka kale.

Waxa uu ammaan kala dul-dhacay awoodda milatarigiisa isagoona wacad ku maray inuu khal-khal gelin doono xiriirka Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Israa'iil.

Falastiiniyiin
Qoraalka sawirka,

Dagaalyahanno Falastiiniyiin ah

Telfishinka Al-Manar ee uu maamulo Xisbullaah ayaa soo weriyay in hogaamiyaha dhaq-dhaqaaqa Xisbullaah ee ay Iran baritaarto Hassan Nasrallah iyo Haniya ay walaac ka muujiyeen xiriirka Israa'iil iyo Carabta.

Waxay ka wada xaajoodeen sidii loo hormarin lahaa siyaasadda iyo milatariga Falastiin iyo Lubnaan.

Sidoo kale waxay ka wada hadleen sidii looga hortagi lahaa khatarkasta oo Falastiin dhibaateyn karta oo uu ka mid yahay qorshaha dib usoo celinta xiriirka Carabta iyo Israa'iil. Waa sida uu sheegay telefishinka Al-Manar.

Although Hezbollah continues to publicly parade its military power, its leaders have become reluctant to give media interviews these days
Qoraalka sawirka,

Dagaalyahannada Xisbullaah

Kulankan ayaa ku soo beegmaya kaddib markii 13-kii bishii Ogoosto lagu dhawaaqay in Israa'iil iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ay ku heshiiyeen dib usoo celinta xiriirkooda.

Heshiisyadan ayaa ah kuwa la xiriira maalgashiga, dalxiiska, duulimaadyo toos ah, ammaanka, isgaarsiinta, tiknoolajiyada, tamarta, caafimaadka, dhaqanka iyo deegaanka.

Waxaa sidoo kale heshiiska mid ah in labada dhinac ay is waydaarsadaan safiirro.

Wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka, Anwar Gargash, ayaa sheegay aqoonsiga ay Imaaraadka aqonsadeen Israa'iil inay ahayd "tallaabo geesinnimo leh ".

Falastiiniyiinta waxay si kulul u cambaareeyeen heshiiska Israa'iil iyo Iisutagga Imaaradka Carabta ay wada galeen
Qoraalka sawirka,

Falastiiniyiinta waxay si kulul u cambaareeyeen heshiiska Israa'iil iyo Iisutagga Imaaradka Carabta ay wada galeen

Ra'iisal wasaaraha Israa'iil , Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in dalkiisa uu wadahadallo qarsoodi ah kula jiro waddamo kale oo Carab ah.

Waxa uu sheegay inuu filayo in dalalkaasi ay mari doonaan dhabaha Imaaraadka oo kale,

Falastiiniyiinta ayaa si weyn u dhaliilay go'aanka uu Imaaraadka heshiiskaasi ku qaatay iyada oo aan xal laga gaarin colaadda kala dhexaysa Israa'iil.