DHibka kala haysta lamanaha is qaba iyo mobilada ama sms

0
Wednesday November 05, 2014 - 17:24:42 in by
  • Visits: 1708
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    DHibka kala haysta lamanaha is qaba iyo mobilada ama sms

    Isku soo Duuboo Dhibaatooyinka ka dhex dhaca Lamaanayaasha is doortey ee uu sababo Mobil-ka ayaa abuura Muran iyo kala Shaki sababi kara Aakhirkii kala tag ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isku soo Duuboo Dhibaatooyinka ka dhex dhaca Lamaanayaasha is doortey ee uu sababo Mobil-ka ayaa abuura Muran iyo kala Shaki sababi kara Aakhirkii kala tag ,

Markaan arkey Dhibaaatada ka Dhex Dhacda lamaanayaasha is qaba ama Is jecel ee uu sababo Mobil-ka ayaa waxaa go’aansadey in aa wax ka Qoro ka dib markii maalin maalmaha ka mid ah aan arkey nin Saaxiibkey ah oo meel gaar ah Fadhiya islamarkaana Fekeraya kana muuqata Murugo ayaan inta u yeedhay waxaana weydiiyey halka laga heysto?,waxaana uu i yri "Saaxiib sidee ii fahamtey nin Fiiro dheer baa tahay " waxaan ugu Jawaabey” Saaxiib Maalmahaan waan ku arkayey caadi ilama ahayn waxaana kaa muuqda Isbedel aan hore kuugu aqoon " inta uu ii soo dhawaadey ayuu yiri” Saaxib arrin baa i haysata marka maxaad ka qaban kartaa? " waxaan iri” wixii karaankayga ah ayaan ka qabanayaa madaama aad tahay Saaxiibkey Qaali

ah oo agteyda aad iigu weyn"



Markiiba inta Mobil-kii dib ugu laabtey ayuu soo bixiyey fariin Qoraal ah (Massage) oo uu i yiri " Saaxiib Fariintaan ayaan Afar Maalmood tiri waayey” waxaan iri Saaxiib "meesha ha isaga taalo maxaa Dhib ah "inta uu I fiiriyey ayuu yiri " Saaxiib Fariintaan waxaa ii soo direy Gabar aan Xaaskeyga ahayn marka waxaan ka baqey inta Gacalisadeyda aragto oo ay dhibaato iiga timaado "Mobil-kii inta aan ka qaadey ayaan akhriyey Fariintii " waaba halis Sababi karta in Saaxiibkey iyo Gacalisidiisa ay kala tagaan " markiiba intaan Gudaha u galey Mobil-kii ayaa si Fudud u Tir-tirey Fariintii " waxaana saaxiibkey ku iri " waan tirtirey "markaasuu intuu soo boodey oo Neef weyni ka soo Go’dey yiri " ma Dhici kartee !! " inta aan tusiyey sidaan u tirey ayuu waxaa uu ku qayliyey "AlXamdulilaahi” war Saaxiibkeygiiyow maanta ayaa Murugadii iga hartey waayo Mobil-ka Afar Maalmood ayaan Waardiye ka ahaa waayo waxaan ka Cabsanayey in Gacalisdeyda ay aragto marka Saaxiib maanta aad baan u faraxsanahay 

waxaana iigu leedahay maanta Qado ”


Ma yara Dhibaatada Mobilada iyo Lamaanayaasha kala haysta waxaan soo qaadaneynaa dhacdo kale waxaan arkey meel lagu Buuqsan yahay inta aan u soo dhawaadey ayaan Dhageystey dooda meesha ka socota,waxay dooda u dhaxeysa Nin iyo Xaaskisa oo ku Muransan Cod Mobil ah oo la soo direy iyadoo Codka uu yahay mid Haween ah oo Oronaya "Gacaliye waan ku jeclahay Har iyo Habeen,Muuqaadana waa mid aan ka Seexan waayey” Fariintaa ayaa dadkii meesha ay dhageysteen " Waaba Cod Haween ah” waxaana Gartii la siiyey Haweeneydii " hase yeeshee ninka ayaa waxaa uu ku doodayaa " Codka ma aha Cod Haweeney ee Waa yar Saaxiibkey ah oo Cod Haween iska Dhigey " markiiba waxaa la weydiiyey inuu keeno ninkii sidaan isaga dhigey Codka Haween ‘ markiiba Taleefoonkii ayaa waxaa uu u direy Saaxiibkii oo meesha ka dhawaa isagiina markiiba si Hal Haleel ah ayuu Goobtii u yirmid , waxaana la weydiyey waxa uu ka og yahay arrintaan inta fariistey ayaa Codkii la Dhegeysiiyey, markii uu Dhegeysiga Dhamaadey ayaa la soo wada fiiriyey maadaama Xaaladu isku cakiran tahay , waxaana uu ku jawaabey” Haa waa Codkeyga " waa la rumeysan waayey oo dadka qaar waxay yiraahdeen " Waa wax aan Dhici Karin " Inta Mobil-kii farfareeyey " ayuu saaxiibkii oo Goobta Fadhiyey wacan isagoo isaga dhigaya Cod Haween’ inta la yaabey ayaa Dadkii Goobta fadhiyey hal mar Qosol la Daateen” oo qaarkood ka dalbadey sida uu isaga dhigey Cod haween waxaana uu soo saarey Meel ka mid Mobil-ka oo Codka Haween la saaro sidii baa gartii lagu soo Gabagabeeyey Haweeneydiina lagu yiri "Reerkaada Dhaqo loona sheegey in ay wax waliba iska Hubiso”

Nin kale oo Saaxiibkeyga ayaa mar aan isla soo qaadney arrimahan ku saabsan Dhibaatada ka dhex dhacda Mobil-da iyo Lamaanayaasha ama Qoysaska ayaa waxaa uu yiri” Dhibaatadaas waa jirtaa waxaana kuu sheegeyaa aniga marka aan Shaqada ka Rawaxo oo Maqribkii aan tago Guriga markiiba Mobilka ayaa Gacalisadeyda ku Wareejiyaa ilaa laga gaaro Subaxii hase yeeshee hadii uu MobilIi soo dhaco iyada ayaa qabata oo ii keenta , markaan Dhameysto Muraadkeyga ayaa dib ugu celiyaa , waxaana Farta Wadnaha ku hayaa hadii Haweeney Dool ah ama si Khalad ah u soo garaacdo Mobil-ka marka waa arrin iyana halisteeda leh waxaana sidan u sameeyaa in aan Kalsooni siiyo Xaaskeyga waxayna Saaxiibdey ii yaqaanaan Mobil Wareejiyey maadaama Xiliga Habeenkii Xaaskeyga Qabato Mobil-keyga ”

Sheeeko kale Nin Saaxiibkey ah ayaan weydiiyey maadaama uu yahay nin Shukaansi badan sida uu uga badbaado Gacalisadiisa markaan ka hadleyno Mobil-ka iyo Arimihiisa , markaasuu yiri” Saaxiib arrintaas waa Fududahay aniga Magacyada Haweenka aan barto waxaan u Bixiyaa marka aan doonayo in aan Keydsado Mobil-ka ( Save) Magac ay Gacalisadeyda cabsi geliya oo aaney ku dhicin in ay si Fudud u qabto ama waxaan ku Keydsadaa Magac Rageed si aysan u fahmin Saaxiibteyda kale" hase yeeshee mararka qaar arrintaan waa la isku Fahmaa oo Khatar bay keentaa marka Saaxiib ma yara Dhibaatooyinka ay keenaan Mobilada kumana sii jirto marka aad leedahay Gacaliso waxay u baahan tahay Taxadar dheeraad walow Haweenkeena ay yihiin kuwa Maseyr badan

Isku soo Duuboo Dhibaatooyinka ka dhex dhaca Lamaanayaasha is doortey ee uu sababo Mobil-ka ayaa abuura Muran iyo kala Shaki sababi kara Aakhirkii kala tag , waxaana la Gudboon Ragga in ay ka Digtoonaadaan wax kasta oo keeni kara isku dhac uu sababo Mobil-ka uu wato , Sidaa Si la mid ah Dumar oo la ogyahay iney Hinaaso badan yihiin ayaa iyana waxaa la Gudboon in ay ka fiirsadaan wax walba oo keeni kara in ay isku Dhacaan saygooda kana feejignaadaan ku deg degida Akhrinta fariimaha u soo dhaca Saaxiibkood oo mar waliba loo baahan yahay in ay Kalsoonidu Sareyso.



Afkashacabka.com


Contact@afkashacabka.com