Xanuun ay qabtay dartiis ayaa u horseeday inay sameyso shirkad ku fadhida malaayiin doolar

0
Monday September 14, 2020 - 08:45:37 in by salman abdi
  • Visits: 397
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xanuun ay qabtay dartiis ayaa u horseeday inay sameyso shirkad ku fadhida malaayiin doolar

    Xanuun ay qabtay dartiis ayaa u horseeday inay sameyso shirkad ku fadhida malaayiin doolar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xanuun ay qabtay dartiis ayaa u horseeday inay sameyso shirkad ku fadhida malaayiin doolar

Barnaamijka toddobaadle ah ee BBC-da ee lagu wareysto ganacsatada caanka ah guud ahaan caalamka ayaa waxaa toddobaadkan lagu wareystay Jules Miller oo aasaastay shirkad qaabilsan maddooyinka xoojiya caafimaadka ba'niiaadanka, shirkaddaas oo la yiraahdo The Nue Co.

Jules Miller waxay sheegtay in sababaha ay ku dhaliyay sameynta shirkaddan ay tahay inay xanuunsantay kaddib markii ay aragtay dhiig bax gudaha jirkeeda ah.

"Waan daallanaa, xanuun ayaan dareemayay, waa markii aan bilaabay ka fakarka cuntada, caafimaadka iyo waxyaabaha caafimaadka xoojiya"

Waxay markaas aheyd sanadkii 2015-kii oo ay ku jirtay nolol wel wel ah, Jules oo xilliggaas 30 jir aheyd waxaa laga helay xanuun ku dhaca mindhicirada.

Waxay bilowday inay qaadato maaddooyin ka qeyb qaato xoojinta caafimaadkeeda, waxay garwaaqsatay in inta badan dawooyinkaas aysan waxtar weyn laheyn.

Wax soo saarii ugu horreeyay ee shirkadda Nue

XIGASHADA SAWIRKA,THE NUE CO

Qoraalka sawirka,

Wax soo saarii ugu horreeyay ee shirkadda Nue

Jules awoogeed wuxuu ku takhasusay cilmiga dawooyinka, wuxuuna wax ka dhigi jiray jaamacadda Cambridge ee UK.

Iyada iyo awoogeed Prof George Miller waxay bilaabeen cilmi baaris ku saabsan maddooyinka xoojiya caafimaadka iyo waxyaabaha laga soo saari karo.

"Waxay aheyd xog waxtar leh" ayay tiri Jules oo haatan 35 jir ah, "Waxaa jiray maaddooyin ku caawin karayo balse waxaa ku jiray walxo caafimaad ah oo la ogaaday in caalamado kale ay qofka ku reebi karaan"

Jules, awoowgeed ayaa ku dhiirogeliyay inay bilowdo ganacsiga ku saabsan wax soo saarka maaddooyinka xoojiya caafimaadka oo dabiici ah.


 
Jules Miller oo ku sugaan bakhaarkeeda oo ku yaalla New York

XIGASHADA SAWIRKA,THE NUE CO

Qoraalka sawirka,

Jules Miller oo ku sugaan bakhaarkeeda oo ku yaalla New York

Sanadkii 2017-kii, waxay aasaastay shirkadda The Nue Co, maanta waxaa ganacsigeeda lagu qiyaasaa in sanadkii uu soo xareeyo dhakhli gaaraya 7 malyan oo doolar.

Waxay haatan sheegeysaa in lix jeer uu sare u kacay faa'idada ay ka hesho ganacsigeeda marka loo barbardhigo sanadkii tegay maadama dad badan ay u baahan yihiin maaddooyinka xoojiya caafimaadka xilli lagu guda jiro safmarka Korona.

Jules waxay ku dhalatay dalka Colombia ee ku yaalla koonfurta Amerika, waxay ku hadashaa luqadda Spanish-ka, waxay qoyskeeda u soo gareen London iyada oo 7 jir ah.

Maddooyinka xoojiya caafimaadka banii'aadanka

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Maddooyinka xoojiya caafimaadka banii'aadanka

Markii ay ka baxday kuliyadda falsafada ee jaamacadda Birmingham ka hor inta aanay u shaqeyn shirkad xayeysiinta qaabilsan, ka hor inta aanay bilaabeen shirkaddeeda Nue waxay madax ka heyd shirkad soo saarta cuntooyinka ay qaataan dadka aan hilibka cunin, waxay sheegtay in aanay ka cabsan aasaasidda ganacsideeda.

"Waxaan filaya in haddii ganacsi kale aan bilaabi lahaa, haatan ma lahaadeen kalsoonida aan maanta qabo"

Markii ugu horreysay shirkadeeda waxay soo saartay maaddo la yiraahdo "Debloat" oo hoos u dhigta xanuunka ku dhaca mindhicirada oo horey Jules ula daala dhaceysay.

Waxayna markii dambe bilowday inay soo saarto noocyo kala duwan oo fitaamiin ah iyo waxyaabaha lais mariyo ee u fiican maqaarka.

Markii hore, shirkaddeedu waxay ku bilowday magaalada Cambridge, sanad gudihiisa, waxay u wareegtay magaalada New York ee Mareykanka, Jules waxay rumeysan tahay in tallaabadaas ay fursad u siineyso in ka faa'ideysto Mareykanka maadama uu yahay suuqa ugu weyn ee lagu iib geeyo maaddooyinka xoojiya caafimaadka.

Shirkadda Nue Co

XIGASHADA SAWIRKA,THE NUE CO

Qoraalka sawirka,

Shirkadda Nue Co

"Ku dhawaad boqolkiiba 80 dadka Mareykanka waxay qaataan Fiitaamiin ama maddooyin kale oo dheeraad ah oo xoojiya caafimaadka marka loo barbardhigo dadka Britain oo aanan si weyn u jecleyn" ayay tiri Jul

Guud ahaan caalamka, ganacsiga ku saabsan maaddooyinka xoojiya caafimaadka, warbixin lasoo saaray sanadkii lasoo dhaafay waxaa lagu sheegay in sanadkiiba badeecadaha ay soo saaraan ay gaari doonaa 210 balyan oo doolar marka la gaaro sanadka 2026-da.

Shirkaddeeda Nue waxay sanadkii 2017-kii ku bilowday in wax soo saarkeeda ay ku iibgeyso Online-ka balse haatan meelo badan ay bakhaaro ku leedahay, waxaa kamid ah dukaan ay ku leedahay New York.

Ganascigeeda wuxuu haatan helay 11.5 malyan oo doolar oo maalgelin, waxaana kamid ah shirkadaha uu ka helay Unilver, Jules iyo seygeeda Charlie Gower waa dadka leh saamiga ugu badan, seygeeda waa madaxa howlaha ee shirkadda halka Jules ay tahay agaasimaha fullinta.

Caroline Peyton oo u dhaltay Britain kuna takhasustay nafaqada waxay sheegeysa in muhiim ay tahay in shirkaddaas ay soo saarto waxa suuqa galayo.

Haddaba, maxay yihiin waxtarka banii'aadanka ay u leeyihiin maaddooyinkaaas? Adeegga qaran ee UK u qaabilsan caafimaadka waxay dadka u baahan qoraxda kula taliyaan inay isticmaalaan Fiitaamiin D, sababta oo ah jirkeena wuxuu helayaa Fiitaamiin D mar alaale marka aad qorax hesho.