Hanti-dhawraha Guud Ee Somaliland Oo Sheegay Inay Burco, Boorama Iyo Berbera Ay Ku Xidheen Saraakiil Ku Eedaysan Musuq-maasuq.

0
Tuesday September 15, 2020 - 10:34:01 in by salman abdi
  • Visits: 343
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hanti-dhawraha Guud Ee Somaliland Oo Sheegay Inay Burco, Boorama Iyo Berbera Ay Ku Xidheen Saraakiil Ku Eedaysan Musuq-maasuq.

    Hanti-dhawraha Guud Ee Somaliland Oo Sheegay Inay Burco, Boorama Iyo Berbera Ay Ku Xidheen Saraakiil Ku Eedaysan Musuq-maasuq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hanti-dhawraha Guud Ee Somaliland Oo Sheegay Inay Burco, Boorama Iyo Berbera Ay Ku Xidheen Saraakiil Ku Eedaysan Musuq-maasuq. - Hanti-dhawraha guud ee Somaliland Axmed Yuusuf Dirir, ayaa VOA u sheegay in burco, Boorama iyo Berbera ay ku xidheen saraakiil Dawladeed oo ku eedayaan arrimo Musuq-maasuq. Sidoo kale hantidhawraha ayaa sheegay in la xidhey saraakil dawladeed oo ka hawlgala Burco iyo Berbera, Hanti-dhawraha guud ee qaranka ayaa sheegay iney marka cid u soo oogan eedeymo musuq ay ergo ahaan ugu imaadan masuuliyiin ka tirsan dawlada, guurtida ama barlamaanka balse wuxuu sheegay iney iyagu maraan wadada sharciga ah uun. Axmed Yusuuf Dirir ayaa sheegay in markii ugu horeeysay xilalka looga qaadey Wasiiro iyo Agaasimayal guud eedo musuq oo ay ku soo oogen. Weriyaha VOA ee Hargeysa Khadar Maxamed Cakule oo wareysigan la yeeshay hantidhawaraha guud ayaa sheegay in xogo ay heshay VOA ay sheegayan in dadka ka eedeysan musuqa ay ku maqan tahey lacag gaadheysa 1 Bilyan oo shillinka Somaliland ah una dhiganta 1 Million oo dollarka Maraykanka ah.