DAAWO Aas Wadareed Hargeysa Loogu Sameeyey 44 - Qof Oo Lagu Xasuuqay Magaalada Hargaysa iyo wasiiro ka hadlay

0
Sunday March 09, 2014 - 15:34:46 in by Super Admin
  • Visits: 1277
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAAWO Aas Wadareed Hargeysa Loogu Sameeyey 44 - Qof Oo Lagu Xasuuqay Magaalada Hargaysa iyo wasiiro ka hadlay

    Waxa Maanta Aas Wadareed Loogu Sameeyey Magaalada Hargaysa 44-qof Oo Ay Xasuuqday Dawladii Milatariga Ahayd Ee Maxamed Siyaad Bare.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa Maanta Aas Wadareed Loogu Sameeyey Magaalada Hargaysa 44-qof Oo Ay Xasuuqday Dawladii Milatariga Ahayd Ee Maxamed Siyaad Bare.

Waxa Maanta Aas Wadareed Loogu Sameeyey Magaalada Hargaysa 44-qof Oo Ay Xasuuqday Dawladii Milatariga Ahayd Ee Maxamed Siyaad Bare.2-400x3003-400x300Dadkan Ayaa Lagu Xasuuqay Magaalada Hargaysa Gaar Ahaana Xaafada Badhka Oo Si Aan Gabasho Lahayn Ay U Xasuuqday Dawladii Uu Hogaamineyey Maxamed Siyaad Bare.4-400x3005-400x300Dadkan Ayaa Maanta Si Rasmi Ah Loogu Aasay Xabaalo Ku Yaala Duleedka Koonfureed Ee Magaalada Hargeysa Gaar Masalaha.11-400x300Aas Wadareedkan Loo Sameeyey Dadkan La Xasuuqayn Ayaa Waxa Ka Qayb-galay Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Dibada, Qorshaynta, Cadaalada, Diinta Iyo Awqaafta, Waxbarashada, Wasiirka Beeraha, Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye, Xisbiyada Mucaaridka Ah, Boobe Yusuf Ducaale, Aqoon Yahano Kale Siyaasiyiin Faro Badan Iyo Dadweyne Aad U Badan.

Dhamaanba Madaxdii Iyo Aqoonyahankii Kale Ee Halkaasi Ka Hadlay Ayaa Maantoodba Iska Daba Maray Sida Muhiimka Ay U Tahay In Maxkamad Caalamiya La Horkeeno Dadkii Gaystay Xasuuqan Ba,an.

Dadkan Maanta Loo Sameeyey Xabaalo Wadareedkan Ee La Xasuuqay Oo Ka Kooban 44 Qof Ayaa Waxa Ka Soo Qoday Halkii Lagu Xabaalay Hay’ad Ajanabi Ah Oo La Yidhado EPAF Oo Ku Caan Ah Baadhista Dalalka Xasuuqayada Laga Gaysto Iyada Oo Ka Soo Shaqeysay Dalal Badan Oo Ka Tirsan Caalamka Oo Ay Xasuuqyo Ka Dheceen.

Guddoomiyaha Gudida Baadhista Xasuuqa Ee Somaliland Khadar Axmed Like Ayaa Warbaahinta U Qaybiyey Warsaxafadeed Uu Soo Saaray Oo U Dhigsan Sidan. "Waxanu Halkan  Iskugu Nimid Saaka In Aynu Sidii Islaaminimadu Ina Fartay  U Aasno 44 Kan Marxuum Oo Ay Si Sharci Darro Ah, Iyagoon Danbi Lahayn, U Xasuuqday  Dawladdii  Markaa Dalka Ka Talinaysay Ee Kaligii Taliskii Siyaad Barre, Ee Sanadkii 1984 Kii, Wax Mahad Leh Illahay Oo Maanta Inoo Suurta Galiyey In Sidii Diinteena Subani Ina Fartay Aynu U Aasno 44kan Marxuum Oo Laga Soo Saaray Xabalaha Badhka.

Waxa Kale Iyaguna Mahad Leh Khuburadan Ka Socota Hay’adda EPAF Ee Xaqiijisay Inuu Xasuuq Ka Dhacay Dalka 1984kii, Iyaga Oo Hawshoodii Sii Wadi Doona Si Ay U Xaqiijiyaan Xasuuqyadii Kale Ee Dhacay Sanadihii Ka Danbeyey 1984kii Ee Ka Dhacay Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

EPAF Waxa Weeye Hay’adda Laga Aqoonsan Yahay Adduunka Oo Dhan Kana Soo Shaqeeysay Dalal Badan Oo Xasuuq Ka Dhacay Sida Colombia, Venezyela, Chile, Philippines, Nepal, Congo And Kenya .

EPAF Waa Hay’ad Caalami Ah Oo Madax Banana, Macaashdoon Ahyn, Meelmarisa Runta, Hirgelisa Xaqiiqda Ay Ka Helaan Baadhistooda Iyagoo Cidna Wax-Qabadkooda Garab U Doonan, Caawisa Cadaalad-Doonka Iyo Demoqraadiyada, Waxaanu Illahay Ka Baryeynaa Inuu Naxariistii Janno Ka Waraabiyo 44ka Marxuum Oo Ay Dishay Gacan Ka Xaqdarani Eheladoodii Iyo Somalilandba Samir Iyo Iiman Ka Siiyo.

Dadkiinan Shafarta Leh Ee Ka Soo Qayb Galayna Aaskan Waad Mahadsantihiin, Waa Jasaakumulaahu Khayran.

Ujeedada Hawshan Ugu Weyn Een Halkan Isugu Soo Duba Ridnay Xafiiska Gudidda Baadhista Xasuuqa Somaliland.

1.Wixii Danbigan Gaystay Oo La Maxkamadeeyo.

2.Marka Cadaalad La Helo Ayaa Dadku Heshiiya.

3.Inay Iska Hortaagto Kuwa Mustaqbalka Xukunka Qabta Inanay Ku Kicin Falakn Oo Kale.

4.In Ay Wacyi Galin Ku Saabsan Xaquuqal Insaanka U Noqoto Dadka.






Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com