"Wiilkeygu dad ma dilin, dad ma dhicin, ma aqaan dambiga Mareykanka looga musaafurinayo"

0
Wednesday September 16, 2020 - 09:43:08 in by salman abdi
  • Visits: 397
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Wiilkeygu dad ma dilin, dad ma dhicin, ma aqaan dambiga Mareykanka looga musaafurinayo"

    "Wiilkeygu dad ma dilin, dad ma dhicin, ma aqaan dambiga Mareykanka looga musaafurinayo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wiilkeygu dad ma dilin, dad ma dhicin, ma aqaan dambiga Mareykanka looga musaafurinayo"

Ku dhawaad 100 qof oo Soomaali ah ayey dowladda Mareykanka qorshanaysaa in maalmaha Khamiista iyo Jimcaha ee foodda inagu soo haya ay ka musaaafuriso dalka Mareykanka oo ay dib ugu celiso waddanka Soomaaliya.

Arrintaas waxaa qoysaska dadka la musaafurinayo u xaqiijiyay qareennada u doodaya dadkaas xabsiyada ku jira, kuwaas oo qaarkood dambiyo kala duwan lagu helay halka ay jiraan kuwo dambi aanan gelin, hasayeeshee loo diiday in qaxootinimo loo qaabilo amaba daganaansho dalka laga siiyo.

Hooyo magaceeda ku soo koobtay Maryama oo ka mid ah dadka caruurtooda loo musaafurinayo Soomaaliya ayaa sheegtay in arrintan ay aad uga murugeysan yihiin.

Waxay sheegtay in wiilkeeda oo dhowr labaatan jir ah aysan jirin wax dambi ah oo uu galay islamarkana aysan aqoon sababta loo musaafurinayo.

"Wiilkeygu dad ma dilin , dad ma dhicin, guri ma xadin,darooga ma cunin, wiilkayga dambiga Mareykanka looga kaxeeyanayo anagu waan garan waaynay," ayay tiri hooyo Maryan.

Hooyo Maryamo ayaa xustay in wiilkeeda qareen badan ay u qabatay, balse mar walba kiiska looga guuleysto.

Waxay xustay in ay ka sii murugeysan tahay caruurta ay Ayeeyada u tahay ee aabahood la musaafurinayo.

"Anagana waan rafaadnay,qareenno badan ayaan u qabanay , in badan ayaan looyaro u raadinay, midkaan u tagnaba waa lagaga guuleystay kiiska, aad iyo aad baan u rafaadnay, waxaan aad iyo aad uga xumahay caruurtiisa yaryar iyo aabahood oo la kala kaxeynayo,waa caruur aad u yaryar, waa 4 jir, labo jir iyo wax aan sanad gaarin", ayay tir hooyo Maryan.

Maryan ayaa farta ku fiiqday in wiilkeeda uusna Somaaliya waxba ka aqoon islamarkana uusan jirin wax ehel ah oo uga horeeya.

"Xaggaas wax dad ah uma joogo, qoyskiisa halkan ayuu wada joogaa hooyo haday tahay, aabo haduu yahay, wax dad ah oo ka sii horeeya ma laha," ayay tiri Hooyo Maryan oo ay murugo ka muuqatay.

Madaxa hay'adda Jeylaan Xuseen Cair
Qoraalka sawirka,

Madaxa hay'adda Jeylaan Xuseen Cair

Soomaalida Mareykanka maxay tarxiilka ku muteystaan?

Hay'adda lagu magacaabo Cair waa hay'ad u doodda xuquuqda Muslimiinta Mareykanka qeybta minnesota waxayna walaac ka muujisay dadkan Soomaalida ah ee laga musaafurinayo dalka Mareykanka.

Madaxa hay'adaasi Jeylaan Xuseen ayaa BBC u sheegay in dadkani loo haysto waxyaabo kala duwan, balse ay u badan yihiin dad aan haysan sharciga Mareykanka.

"Dambiyada lagu haysto waa dambiyo kala duwan, inta badan waa sharci la'aan, waa dad sharcigii dalbaday oo sharcigii loo diiday ayaa ku jira dadka hadda la musaafurinayo," ayuu yiri Mr Jeylaani.

Mr Jeylaani Ayaa intaa ku daray in xiriir ay la sameeyeen safaaradda Soomaliya ee Washinton islamarkana ay arrintan kala hadleen.

Soomaalida ugu badan ee Mareykanka waxay deggan yihiin Minnesota
Qoraalka sawirka,

Soomaalida ugu badan ee Mareykanka waxay deggan yihiin Minnesota

Waxaa uu intaa ku daray in dowladda Sooamaliya ay tahay in ay soo faragaliso arrintan oo ay a qeyb ka qaadato sidii looga hortagi lahaa musaafurinta dadka Sooamalida ah.

"Runtii waan la wada xiriirnay , safaaradda waan la xiriirnay, dad badana waan la xiriirnay, haddana waxaan rabnaa dowladda Soomaaliya inay go'aan ka gaarto ayaan rajeynaynaa sidii dadkan laga joojiyo in la musaafuriyo," ayuu yiri Mr Jeylaani.

Madaxa hay'adda u dooda xuquuqda Musliminta Mareykanka ayaa dhanka kale ka digay in dadka Mareykanka laga musaafurinayo lana gaynayo Soomaliya ay qarakood qabaan Corona islamarkana ay dalka gaarsiin karaan xanuunka.

"Dadkani waxaa jira dad qaba cudurkii Covid-19, waxaa laga yaabaa xitaa dadka ay diyaaradda isla saaran yihiin inay qaadsiiyaan wadankiina gaadhsiiyaan," ayuu intaa ku daray Mr jeylaani.

Tan iyo intii uu xilka madaxwaynanimada Mareykanka la wareegay madaxwayne Donold Trump waxaa Mareykanka laga musaafuriyay dad badan oo ay Soomaali ku jiraan.

Arrintan ayaa waxaa horey walaac uga muujiyay hay'adaha u dooda xuquuqul insaanka oo ak digay in meelaha lagu celinayo ddaka qaar ay yihiin goobo aan amnigoodu wanaagsanayn.