Natiijooyinka Ucl: Manchester City Oo Ay Masiibo Usoo Hoyatay, Barcelona Oo Ku Durdurisay Ajax, Bayern Munich Oo Guul Ka Gaadhay Roma Iyo Chelasea Oo Barbaro Lagu Qabtay

0
Thursday November 06, 2014 - 09:25:37 in by Super Admin
  • Visits: 1424
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Natiijooyinka Ucl: Manchester City Oo Ay Masiibo Usoo Hoyatay, Barcelona Oo Ku Durdurisay Ajax, Bayern Munich Oo Guul Ka Gaadhay Roma Iyo Chelasea Oo Barbaro Lagu Qabtay

    Waxaa caawa dhacay kulamo xiiso iyo xamaasad badan, kooxda Manchester City ayaa guul daro xanuun badan iyo masiibo ugu soo hoyatay gurigeeda Etihad Stadium, halka Barcelona ay guul ay ku raaxaysatay ka soo gaadhay Ajax, Messi ayaana guushaa ku hogaam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa caawa dhacay kulamo xiiso iyo xamaasad badan, kooxda Manchester City ayaa guul daro xanuun badan iyo masiibo ugu soo hoyatay gurigeeda Etihad Stadium, halka Barcelona ay guul ay ku raaxaysatay ka soo gaadhay Ajax, Messi ayaana guushaa ku hogaamiyay, wuxuuna Messi jabiyay rekoodhkii Raul ee ahaa gool dhalinta Champions Leaquega. Bayern Munich ayaa markale guul gurigeeda kaga gaadhay Roma, halka Chelsea ay barbaro la gashay kooxda Maribor.

Man City Vs CSKA Moscow

kooxda Man city ayuu kulankani uga dhiganaa guul ama geeri waxayna halis ugu jirtay haddii kulankan ay badin waydo inay heerka groupka kaga hadho Champions Leaquega. Sidaa daraadeed waxaa ka go’nayd inay garoonkeeda guul kaga gaadho kooxda CSKA Moscwo oo marti u ahayd.

CSKA Moscow ayaa hogaanka ciyaarta la wareegtay isla daqiiqadii 2 aad ee bilawgii ciyaartaba waxaana goolkaas oo madax ahaa u dhaliyayDoumbia, Kubbad laaga xorta ah oo uu soo tuurayBebras Natcho ayuu Doumbia madax kooxdiisa ugu dhaliyay sidaana wuxuu ciyaarta kaga dhigay 1:0 ay CSKA Moscow hogaanka kula wareegtay.Seydou_Doum

Man City aayaa dadaal u gashay inay la timaado goolka barbaraha , waxayna goolka barbaraha la timid lix daqiiqo kadib waxaana gool aad u qurux badan oo laaga xorta ah kooxdiisa u dhaliyay Yaya Toure,wuxuuna ciyaarta ka dhigay barbaro 1:1 ah.

Markale ayay CSKA Moscow ciyaarta hogaanka u qabatay waxaana markale goolka u dhaliyayDoumbia,sidoo kale Beras Natcho ayaa markale goolka caawiye ka ahaa.Doumbia ayaa boos fiican u taagnaa kubbada uu Natcho u dhiibay wuxuuna si xoog ah ugu darbeeyay goolka uu waardiyaha ka hayay Hart sidaana waxay ciyaartu ku noqotay 2:1 ay markale CSKA hogaanka kula wareegtay. qaybtii hore ee ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 2:1 ay CSKA ciyaarta ku hogaaminayso.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay ciyaartu noqotay mid aad u adag isla markaana ay xamaasadeedu kor u kacday. Daqiiqadii 70 aad ayuu xaalku ku sii xumaaday kooxda Man City waxaana kaadhkisii labaad ee digniinta ahaa qaatayFernandinho sidaana wuxuu ku qaatay kaadhka cas, waxayna intaa wixii ka danbeeyay Man City ku ciyaaraysay 10 ciyaartoy.

Xaalka Manchester City ayaa markale ka sii daray kadib markii ciyaarta laga saaray Yaya Toure. Toure ayaa sameeyay qalad doqoniimo ah kadib markii inta uu kubbad lumiyay uuRoman Eremenko qalad ku galay sidaana ciyaarta dibada lagaga dhigay. Waxayna Man City waqitayadii ugu danbaysay ku ciyaaraysay 9 ciyaartoy oo kaliya.Toure

Manchester City ayuu caawa u ahaa habeen masiibo ay ku habsatay, guuldaro xanuun badan ayaa gurigeeda Etihad Stadium ku soo gaadhay, Laba ciyaartoy ayaa casaan ka qaatay, waxayna hadda ku jirtaa halka ugu hoosaysa Group E, waxayna 9 dhibcood ka hoosaysaa Bayern Munich oo groupka hogaaminaysa. Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2:1 ay CSKA Moscow guul kaga gaadhay Man city oo joogta Etihad Stadium.

Ajax Vs Barcelona

Kooxda Barcelon ayaa doonaysay inay dib ugu soo laabato tubta guusha kadib markii ay laba guul daro oo is huwan kala kulantay kooxaha Real Madrid iyo Celta Vego kulamo ka tirsan horyaalka Spain ee La Ligaha.

Messi ayaa dhankiisa ku hamiyaaya inuu ka faa’iidaysto fursadii uu xalay iska qasaariyay Cristiano Ronaldo ee ahayd inuu jabiyo rekoodhkii gool dhalinta Champions Leaquega ee Raul kaas oo leh 71 gool.

Lionel Messi ayaa daqiiqii 36 aad kooxdiisa Barcelona hogaanka u dhiibay, kadib markii uu u dhaliyay gool madax ah. Markii hore ayuu goolhayeJasper Cillessen laaga xorta ah ka badbaadiyay Messi balse kubbadaas ayaan ka fogaan goolka Ajax , waxaana caawinta goolkan iska lahaa Barta oo kubbad ka soo boobay goolhaye Cillessen wuxuuna soo hor dhigay goolka oo madhan , waxaaan kubbad madax ku sii darbeeyay Messi sidaana wuxuu Messi ku dhaliyay goolkiisii 70 aad ee Champions Leaquega. Qaybtii hore ee ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 1:0 ay Barcelona hogaanka ku hayso.Messi

Qaybtii danbe ee ciyaarta aya Barcelona sida caaddada u ah kubbada isku dhii dhiibanaysay, Daqiiqadii 71 aad ayuuna Ajax xaalku ku sii adkaatay kadib markii uuVeltman uu Messi ku qaatay kaadhka digniinta ah ee labaad sidaana ciyaarta looga saaray, intaa wixii ka danbaysayna Ajax waxay ku ciyaaraysay 10 ciyaartoy.

Waxaa yimdi waqtigii la sugaayay kadib markii uu Messi kooxdiisa u dhaliyay goolka labaad kaas oo ahaa goolkiisii 71 aad ee champions Leaquega, wuxuuna sidaa kula sinmay rekoodhkii gool dhalinta ee Raul. Messi ayaa kubbad uu soo jiitay u sii dhiitya Pedro, Pedro ayaana kubbada goolka Ajax soo hormariyay, Messi oo duulaya ayaana isku soo tuuray kubbada oo goolka hormaraysa sidaana wuxuu ku dhaliyay goolkiisii 71 aad ee Champions Leaquega.Messi2

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2:0 ay Barcelona ku dubatay Ajax oo gurigeeda joogta.Barcelona oo kaliya may guulaysan ee Loinel Messi ayaa sidoo kale guul naftiisa ah iyo waliba guusha kooxdiisa ka danbeeyay. wuxuuna hal gool u jiraa inuu noqdo ciyaartoygii abid ugu goolasha badnaa Champions Leaquega. Ciyaartoyda kooxda Barcelona, jamaahiirta iyo kooxda oo dhan ayaa goolasha Messi ugu faraxday si la mid ah sida ay ugu faxeen guusha ay ka gaadheen Ajax.

Halkan ka daawo muuqaalka Goolasha Messi:

Bayern Munich Vs Roma

Kooxda Bayern Munich oo kulankii hore 7:1 ku soo xasuuqday kooxda Roma oo gurigeeda joogtay ayaa caawana Alianz Arena ku soo dhawaysay waxaana intii ayna ciyaartu bilaamin lays waydiinayay Roma ma ka soo kabsan kartaa dhaawicii iyo dhiig bixii ay kala kulantay Bayern isla markaana suurto gal ma u tahay inay ugu yaraan barbaro la gali karto Bayern mise waxay markale la soo kulmi doontaa dhibaato kale?

Bayern Munich ayaa ciyaarta hogaanka u qabatay daqiiqadii 38 aad markaas oo uu Frack Ribery u dhaliyay goolka furitaanka,wuxuuna natiijada ciyaarta u badalay 1:0 ay Bayern Munich ciyaarta hogaanka ugu qabatay.David Alaba ayaa kubbad fiican oo uu ka soo tuuray dhinaca bidix ayuu Ribery oo ku jiray xerada ganaaxa ee Roma uu si dhaw ugu qabtay goolka Roma. qaybtii hore ee ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 1:0 ay Bayern Munich ciyaarta ku hogaaminayso.Bayern

Qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Bayern Munich halkii ka sii waday gacan ku haynta ciyaarta, waxayna daqiiqadii 64 aad dhalshatay goolka labaad, waxaana markan shabaqa soo taabtay Mario Gotze. Wuxuuna natiijada ciyaarta ka dhigay 2:0 ay Bayern Munich hogaanka ku dheeraysatay.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku soo laadhamaatay 2:0 ay Bayern Munich iskaga xaadrisay wareega 16 ka ee Champions leaquega, waxayan sidoo kale kaalinta kowaad kaga soo baxday Group E.

Maribor Vs Chelsea

Kooxda Chelsea ayaa marti u ahayd kooxdii ay 6:0 ku xaaqday kulankii Stamford Bridge waxayna doonaysay inay markale halkii uga miisto isla markaana ay sii wadato qaab ciyaareedka fiican ee ay xili ciyaareedkan ku raaxaysnayso.

Inkasta oo ay Chelsea qaab ciyaareed fiican soo bandhigay qaybtii hore ee ciyaarta ayay haddana ku guuld araysatay inay wax gool ah ka dhaliso kooxda ay martida u ahayd ee Maribor. qaybtii hore ee ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay barbaro gool la’aan ah. Drogba ayuu kulan kani u ahaa kulankiisii 100 aad ee Champions Leaquega uu ka safto.Drogba

Qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Maribor ciyaarta ku soo laabtay iyadoo dardar horleh ku socta waxaana u suurto gadhay daqiiiqadii 50 inay la timaado goolka furitaanka, waxaana goolkaas u dhaliyayAgim Ibraimi.Ibraimi ayaa ka faa’iidaystay kubbad uu iska saari kariwayayZouma, wuxuuna natiijada ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Maribor ciyaarta ku hogaaminayso.

Chelsea ayaa daqiiqadii 75 aad la timid goolka barbabarha waxaana goolkaas u dhaliyayNemanja Matic, isagoo ciyaarta ka dhigay barbaro 1:1 ah. kubbad uuCesc Fàbregas koorne ka soo tuuray ayuu Terry madaxa ku dhuftay taas oo birta ka soo booday waxaana dib ugu celiyay Matic sidaana wuxuu ku dhaliyay goolka barbaraha ee Chelsea.

Markii ay ciyaartu maraysay daqiiqadii 85 aad ayuuMitja qalad ku galay Eden Hazard oo kujira xerada ganaaxa ee Maribor waxaana lagu abaal mariyay rekoodhe. BalseHazard ayaa kooxdiisa ka qasaariyay rekoodhahaas wuxuuna ku guul daraystay inuu gool u badalo.Eden Hazard ayaana afar rekoodhe oo Champions Leaquega ah laba ka mid ah qasaariyay. Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbaro 1:1 ah.

Natiijooyinka Caawa ee Champions Leaquega oo dhamaystiran:


natiijo




Contact@afkashacabka.com