Hay'adda Batroolka Soomaaliya oo yeelatay guddi sare oo kala matalidoona dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada

0
Thursday October 15, 2020 - 12:52:26 in by salman abdi
  • Visits: 436
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda Batroolka Soomaaliya oo yeelatay guddi sare oo kala matalidoona dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada

    Hay'adda Batroolka Soomaaliya oo yeelatay guddi sare oo kala matalidoona dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Batroolka Soomaaliya oo yeelatay guddi sare oo kala matalidoona dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada Hay'adda Batroolka Soomaaliya (SPA) ayaa magacowday lix agaasimeyaal madax-bannaan oo ka mid noqon doona boodhka hay’adda.

Agaasimayaasha cusub ayaa kala matalidoona dowlad goboleedyada, gobolka Banaadir iyo dowladda federalka Soomaaliya.

 

Xubnaha guddiga waxaa ka mid ah Caasho Cismaan Axmed oo ah guddoomiye ku-xigeen, oo mataleysa Maamulka Gobolka Banaadir, Ibraahim Axmed Layte oo matalaya Hirshabeelle, Cabdulqaadir Aadan Maxamuud oo matalaya Galmudug, Ibraahim Cabdulqaadir Maxamed oo matalaya Koonfur Galbeed.

Waxaa sidoo kale ka mid ah Axmed Xaaji Cabdi oo matalaya Dowlad Goboleedka Jubbaland, Cabdixaafid Cali Dirir oo matalaya Somaliland iyo Mahad Maxamed Xasan oo ka socda Dowlada Federaalka.

Gudiga cusub ayaa loo xilsaaray kor u qaadida warshadaha saliida iyo gaaska iyo in ay hubiyaan in sharciyadda horumarinta maaliyaddeed ee lasoo saaray ay la jaanqaadayaan mabaadi'da sinnaanta, furfurnaanta, la xisaabtanka, daah furnaanta iyo takoor la'aanta danaha dadka Soomaaliyeed oo dhan.

Maareeyaha Hay'adda Batroolka Soomaaliya Ibraahim Cali Xuseen ayaa yiri,” "guddigan wuxuu hubin doonaa in dhamaan maamulada xubnaha ka ah ay awoodaan inay gacan ka geystaan qaabeynta horumarka warshadaha ayna soo jiitaan maalgashi caalami ah si loo kordhiyo soo kabashada dhaqaalaha keydka saliida iyo gaaska Soomaalia.”

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Maxamed Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ansixiyay guddigan oo maamuli doona Hay'adda Batroolka Soomaaliyeed.