"Ma Laga Yaabaa Fadeexaddii Ugu Waynayd Ee Abid Soo Marta Somaliland In Ay Noqoto Heshiiska Lala Galay Shirkadda Trafigura"Cali Guray
"Ma Laga Yaabaa Fadeexaddii Ugu Waynayd Ee Abid Soo Marta Somaliland In Ay Noqoto Heshiiska Lala Galay Shirkadda Trafigura"Cali Guray Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa naqdiyay heshiiska ay
xukuumadda la gashay shirkadda Trafigura.
Siyaasi Cali Guray ayaa qoraal uu arrinta kaga hadlay oo ay
Somalilandtoday ka soo xigatay barta uu ku leeyahay Facebook-ga waxa
ku yidhi sida tan:
"Ma laga yaabaa fadeexaddii ugu waynayd ee abid soo marta Somaliland
in ay noqoto heshiiska lala galay shirkaddan??? Marka laga eego
dhinacyada sharciyadda heshiiska mugdiga iyo madmadowga ah ee lala
galay, saamaynta shirkadaha waddaniga ah, Iyo ta ugu daran oo ah
dacwadaha kaga socda Shirkaddan dalal badan oo dunida ah iyo
taariikhdeeda madow ee shaqada qashinka nukeliyarka ee dalalka
horumaray sharkado ka mid ah ay qandaraasyada ku siiyeen in ay meelo
kale oo ka baxsan dalalkooda ay ku aasto? Sida fudud ee Wasiirka
Ganacsigu uu isaga saxeexay ama la yidhi isaga saxiix iyo khilaafkii
gudaha kulmiye gaar ahaan soo dedejinta bedelaadda Gudoomiye
xigeenka 4aad wax xidhiidh ahi ma ka dhexeeyaa? Shirkaddu waxa la
xaqiijiyay in sanad keliya lacagta ay laaluushka u bixisay ay gaadhayso
3, 000,000,000 ( sadex kun oo milyan ama 3bilyan) Somaliland lafteeda in
kastoo aan la xaqiijin hadana wax aan badnayn ayaa la sheeg
sheegayaa? Waxa loo baahan yahay oo waajib ku ah in xukuumaddu ay
wax badan ka iftiimiso madmadowga ku jira heshiiska lala galay
shirkaddan iyo danta ugu jirta Somaliland oo aan ahayn iska dheh ee run
ah oo la taaban karo. Baarlamanka Somaliland ma laaluushka la
sheegayo ayay wax ka soo gaadheen maxay wax uga sheegi waayeen
heshiiska shirkaddan? Maye xisbiyadii mucaaridka sheeganayay? Maye
ganacsatadii shidaalka ee waddaniga ahaa? Waa maxay bustahan qoyan
ee lagu deday? Wax baa si ah oo wax wayn baa si ah.? Tan dadkeediina
gaajo ha ugu dhex macaluulaan qoysasna milyan dheero malaydheero
waxoodii ha ku noqdaan wax la qaadan karo maaha. Dalka miyaan la
wada lahayn? Miyaan loo soo wada halgamin (Kii hore iyo kan
dambeba)? Waa kee ka isagu keligii u soo halgamay ama nooga halgan
badnaa ee xaq u leh wax aanan xaq u lahayn? Bal waa aniga i ha
yidhaahdo. Waxa la doonayaa Somaliland la wada leeyahay, loo wada
siman yahay oo la wada ilaashado
"Ma Laga Yaabaa Fadeexaddii Ugu Waynayd Ee Abid Soo Marta Somaliland In Ay Noqoto Heshiiska Lala Galay Shirkadda Trafigura"Cali Guray
"Ma Laga Yaabaa Fadeexaddii Ugu Waynayd Ee Abid Soo Marta Somaliland In Ay Noqoto Heshiiska Lala Galay Shirkadda Trafigura"Cali Guray