War Deg Deg:-Waxa Hadda SHir Uga Socda Madaxtooyada Golaha Wasiradda S,land+Xaalad Kasoo Korodhay Shirkadihii Diyaaradaha Ee La Xidhay.

0
Saturday October 17, 2020 - 11:54:53 in by salman abdi
  • Visits: 363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg:-Waxa Hadda SHir Uga Socda Madaxtooyada Golaha Wasiradda S,land+Xaalad Kasoo Korodhay Shirkadihii Diyaaradaha Ee La Xidhay.

    War Deg Deg:-Waxa Hadda SHir Uga Socda Madaxtooyada Golaha Wasiradda S,land+Xaalad Kasoo Korodhay Shirkadihii Diyaaradaha Ee La Xidhay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg:-Waxa Hadda SHir Uga Socda Madaxtooyada Golaha Wasiradda S,land+Xaalad Kasoo Korodhay Shirkadihii Diyaaradaha Ee La Xidhay. - Madaxweyne Muuse oo Baajiyey safarkiisi Gobolada bariga uu ku tagi lahaa ayaa saaka shir gudoominaya Shirkii Deg-dega ahaa ee golaha Wasiirada loogu yeedhay saaka. Goor dhaweyd ayuu furmey Shirku Wasiirada badankoodu waxey ku jiraan Madaxtooyada oo Shirku ka dhacaayo shirka Laguma qaban habka muuqal araga fog oo shirarka caadiga ah ee golaha wasiirada lagu qaba jrey balse Wasiiradu Madaxtooyada ayey galeen oo ku sugan yihiin hada, waxaana bilaabantey dooda golaha ee ku saabsan xayiraad ka qaadida shirkadaha diyaaradaha ee Fly Dubai Iyo Air Arabia oo ay aad ugu kala aragti duwan yihiin xubnaha golaha wasiirada qodobada lagu kala duwan yaheyna waxa ka mid ah:- 

1. Wasiirada qaar ayaa soo jeediyey in xayiraada laga qaado Fly Dubia Iyo Air arabia sababo la xidhiidha fudeydinta isku socodka, iyo Dhaliyarada Somaliland ee Agencyada oo ay shaqo abuur u aheyd shaqeyntooda. 

2. Wasiirada qaar ayaa soo jeediyey in aan xayiraada laga qaadin diyaaradahan maadama oon codsi rasmi ah xukuumada Somaliland uga iman maamulka sare ee Shirkadahan Diyaaradeed balse codsigu ka yimid wakiiladooda Somaliland sidaa awgeed ilaa inta Xukuumada Iyo Maamulka Shirkaduhu ayna gaadhin heshiis rasmi ah aan xayiraada laga qaadin shirkadahan.
Dooda oo ilaa hada socota ayaanu Madaxweynaha oo dhageysanaya dooda xubnaha golaha wax go'aan ah aanu qaadan Madaxweynaha Somaliland oo shirka shirgudoominaaya la sugayaa marka doodu dhamaato